Wargeyska Al-khaleej: Olole diblomaasiyadeed oo Maraykanka, Itoobiya iyo maamulka Somaliland ku doonayaan Midnimo Soomaaliweyn
“Xubno ku dhowdhow dedaalka diblomaasi ee ka dhex socda Maraykanka, Itoobiya iyo maamulka Somaliland, ayaa sheegay in rajo wanaagsan laga qabo sidii ay Somaliland dib ugu laaban lahayd midnimadii Soomaaliya”
Maraykanka ayaa dammaanado waaweyn oo aan la shaacin u dhigay haddii ay [Somaliland] oggolaadaan in ay mar labaad dib ugu laabato midnimadii Soomaaliya, kana noqdaan mashruuca ay ku doonayaan madaxbannaani dhammaystiran inay helaan.”
Wargeyska Al-khaleej
Addis Ababa (Sooyaal/Al-Khaleej)- Dawladda Maraykanka ayaa oggolaatay inay dammaanad-qaadyo waaweyn ku siin doonto xukuumadda Somaliland haddii ay ka ayidaan inay dib ula midoobaan koonfurta Soomaaliya, isla markaana ka noqdaan rabitaankoodii ku wajahnaa in ay xornimo buuxda ka qaateen dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Sidaa waxa lagu sheegay war uu daabacay wargeyska Al-khaleej ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta cadadkiisii Khamiistii shalay, warkaas oo wargeysku sheegay in uu ka soo xigtay ilo xogogaal ah oo ku dhowdhow diblomaasiyiinta dadaalku ka dhex socdo, “Kuwaas oo kala ah,” ayuu wargeysku yidhi; “Maraykanka, Itoobiya iyo maamulka Somaliland.”
Waxa kale oo ilahaasi Al-khaleej u xaqiijiyeen in rajo wanaagsan laga qabo sidii Somaliland dib ugu noqon lahayd midnimadii koonfurta Soomaaliya.
Warka uu daabacay wargeyska Al-khaleej oo ku qornaa afka Carabiga oo aannu tarjunay waxa uu u dhignaa sidan:
“Xubno ku dhowdhow dedaalka diblomaasi ee ka dhex socda Maraykanka, Itoobiya iyo maamulka Somaliland, ayaa sheegay in rajo wanaagsan laga qabo sidii ay Somaliland dib ugu laaban lahayd midnimadii Soomaaliya, isla markaana ay maamulka Somaliland uga tanaasuli lahaayeen rabitaankodii ku wajahnaa inay xornimo buuxda ka qaateen dalka Soomaaliya.
Waxa kale oo ay hubaal ka dhigeen ilo xogogaal ah oo dhinacyadaas ku dhowdhow inay Maraykanka, Itoobiya iyo maamulka Hargeysa ee ku hawlan isu soo dhoweynta labada dhinac [Somaliland iyo Soomaaliya], in dammaanado waaweyn oo aan la shaacin loo dhigay haddii ay [Somaliland] oggolaadaan in ay mar labaad dib ugu laabato midnimadii Soomaaliya, kana noqdaan mashruuca ay ku doonayaan madaxbannaani dhammaystiran inay helaan.”
Dawladaha Maraykanka iyo Itoobiya, ayaa iyagu muddooyinkan dambe si weyn uga dhex muuqday xaaladaha siyaasadeed ee ka socday koonfurta Soomaaliya, isla markaana si gaar ah gacan ugu lahaa isbeddellada lixdii bilood ee u dambeeyey ka dhacayey Soomaaliya, ayaan la saadaalin Karin sida ay ugu hirgeli karto arrintaasi.
Xukuumadda Somaliland ayaa marar badan waxay shaaca ka qaaday in aanay marnaba dib ula midoobi doonin koonfurta Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray, haseyeeshee ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrinta wargeysku daabacay oo ilaa hadda dhinaceeda ka soo baxay
http://www.sooyaal.com/?w=show&id=2972
Viva UDUB
