Laascaanood(Jidbaale.com):- Sida uu u xaqiijiyey Hormuudka Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood DR C/raxmaan Xaaji Saalax, Jidbaale.com waxaa habeenkii xalay ahaa la jabsaday Xaruntii Jaamacadda Nugaal, iydaoo lagala baxay Qalab Kala duwan.
C/raxmaan waxaa uu intaas ku daray isagoo markaasi ku sugnaa Xarunta Jaamacadda oo ay baadhisi ka socotey in Ciidamada Boolisku arkeen gaadiid halkaasi galay, iyadoo ilaa iyo hadda la caddeeyey in la xaday Computero, Kuraas, Buugaag iyo qalab kale.
Dhacdadan oo ah mid ku cusub deegaanka ayaa waxaa ay Ciidanka Boolisku wadaan baadhitaano arrinkaasi la xidhiidha, iyadoo aan ilaa iyo haatan la caddayn cidda ku lug leh, walow arrinka dadka intiisa badan ay la xidhiidhinayaan khilaafka Jaamacadda ka dhacay, iyadoo qaybtii Jaamacadda ka baxday ay Xarun kale wax ku dhigtaan.
Wixii wararka ka soo kordha kala soco Jidbaale.com
Laascaanood
Jidbaale.com

