(Kismaayo) Maxaa ka jira in Xil ka qaadista lagu sameeyay Col. Barre Hiiraale ay ku lug leedahay Arrinta Magaalada Kismaayo (Faallo).
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Kmg ah ayaa xilalkii looga xayuubiyay Labo Xubnood oo Miisaan culus ku leh Siyaasada Soomaaliya.
Mida Kowaad waxaa aad la isu weydiinayaa xil ka qaadista lagu sameeyay Col. Barre Hiiraale oo haatan ku sugan Magaalada Baydhabo.
Dadka odorasa Siyaasada ayaa waxa ay sheegayaan in xil ka qaadista Mr Barre ay la xiriirto arrinta ka taagan magaalada Kismaayo.
Mushaakilka ka taagan Kismaayo ayaa wali ah mid aan ilaa iyo iminka la xalin, iyadoo mushaakilkaas darteedna uu xilkiisii ku waayay Col. Barre Hiiraale.
Dhawaan ayay aheyd markii maleeshiyaad ku heyb ah Col. Barre Hiiraale ay la wareegeen Magaalada Kismaayo, iyagoo Magaaladana ka saaray Maleeshiyaadkii Puntland oo uu horkacayay Col. C/risaaq Afgaduud.
Magaalada Haatan waxaa gacanta ku haya Maleeshiyooyin ku heybta Barre Hiiraale, waxaana dhici karta in xil ka qaadistiisa ay ku gacan seyraan, isla markaana halkaas dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay.
Dadka reer Kismaayo ayaa ku eedeeyay Dowladda Kmg ah in aysan dhex dhexaad ka aheyn beelaha guud ee Soomaalida isla markaana ay awood is biday wixi ka danbeeyay markii ay la wareegtay dalka.
Maleeshiyaadka ku heybta ah Barre Hiiraale ayaa laga cabsi qabaa in ay ku gacan seyraan dhaq dhaqaaqyo maalmahan socday oo lagu heshiisiinayo iyaga iyo Maleeshiyaadkii laga saaray Magaalada Kismaayo, arrinta Barre Hiiraale Darteed.
Wareegtadii Xilka looga qaaday Barre Hiiraale ayaa lagu sheegay inuu gudan waayay howshiisa, isla markaana uu ka soo horjeestay Siyaasada Dowladda.
Xilka qaadista Lagu sameeyay Barre Hiiraale ayaa waxaa ku wehliyay Ra’iisul wasaare Kuxigeenka ahna wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xuseen Ceydiid, oo isagu maalmahanba la hadal hayay in xilka laga qaadayo, kadib markii uu ku biiray Xubnaha Asmara jooga.
Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa maanta kacsan, iyadoo goobaha ay dadku isugu yimaadaan laga wada hadal hayo talaabada xilka looga qaaday Barre Hiiraale iyo Xuseen Caydiid.
Faalo: Xil ka qaadista lagu sameeyay Col. Barre Hiiraale ay
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 36 Replies
- 2078 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 14 Replies
- 1014 Views
-
Last post by Jeffrey Dahmer
-
- 0 Replies
- 336 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 53 Replies
- 2265 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 0 Replies
- 586 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 0 Replies
- 327 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 4 Replies
- 576 Views
-
Last post by Mustafee101
-
- 2 Replies
- 352 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 0 Replies
- 420 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 961 Views
-
Last post by boode- afdheere