Uganda say it will leave September 2007

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
highclass
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4987
Joined: Fri Oct 17, 2003 7:00 pm
Location: Annagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay, Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka

Uganda say it will leave September 2007

Post by highclass »

Uganda oo sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso dalka Somalia bisha September ee 2007

Warkii 12-May-2007 iyo Qormadii: C/qaadir gaabuush
Wasiirka Difaaca ee dalkani Uganda Crispus Kiyonga ayaaa xalay shaaca ka qaaday xiliga ay ciidamadooda kala baxayaan Dalka Somalia......


Wasiirka oo xalay kula hadlay saxaafada aqalka madaxtooyada Uganda ayaa sheegay in mudadii ay heshiisaka kula galeen ururka midowga africa ay ku egtahay bisha September marka xiligaas lagaadhana waxay ciidamadayadu isu diyaarinayaan sidii ay ugu soo laaban lahaayen dalkooda..

Wasiirka ayaa meesha ka saaray warar la isla dhexmarayey waayadan oo sheegayey in Crispus Kiyonga waa wasiirka difaacee in uu ku tala jiro in uu si dhaqso ah usoo celiyo ciidamada Uganda ee Somalia, kadib markii lagu guuldaraystay balan qaadyadii dowladaha kale ee africa, isagoona xusay in ciidamada Uganda ay joogayaan Somalia inta lagaadhayo wakhtiga heshiiska ...

Sidoo kale waxaa uu wasiirku xusay in ay rajaynayaan in marka uu dhamaado heshiiska Uganda ku joogto Somalia ay nagala wareegayaan masuuliyada nabad ilaalinta dalkaasi Jimacada quruumaha ka dhaxaysa ..

Wasiirka ayaa markale ku ceshay in midowga africa uu ku guuldaraystay inuu bixiyo mushaharaadkii ciidamada nabad ilaalinta ee magaciisa ku jooga dalka Somalia , taas oo niyad jab ku abuurtay hamadii Uganda u hesay nabad kusoo dabaalida Somalia iyadoo la fulinayo go,aanada midowga africa..

Baarlamaanka Uganda ayaa isna sheegay sadex casho ka hor inay ka fiirsanayaan joogitaanka xoogaga Uganda ee Somalia , kadib ayay yidhaahdeen fashilka ku yimid qorshihii midowga africa ee Somalia,

C/qaadir Gaabuush

Afnugaal.com, Kampala Uganda
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”