Xuseen Caydiid iyo Barre Hiiraale oo Xilalkii laga qaaday
Sabti, May 12, 2007(HOL): Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa xilalkii looga qaaday Xuseen Maxamed Caydiid oo Ra'iisal Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ka ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo isna ah Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wareegtada xilka looga qaaday Xuseen Caydiid iyo Barre Hiiraale oo uu soo ogolaaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, isla markaana uu soo saaray Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa lagu sheegay in ay labadaas mas'uul gudan waayeen waajibaadkii ay u dhaarteen.
Xuseen Maxamed Caydiid oo haatan ku sugan Magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa muddooyinkan dambe si weyn uga soo horjeeday siyaasadaha madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo weliba joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka Soomaaliya.
Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo wax laga weydiiyay sida uu arkayo hadallo uu dhowr jeer saxaafadda ka sii daayay oo ku saabsanaa in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Dalka Soomaaliya ay xasuuq geysteen, isla markaana uu ku biiray koox mucaarad ku ah Dowladda Federaalka oo Asmara joogta ayaa wuxuu sheegay in Xuseen Caydiid haddii uu mucaarad ku biiray uu gebi ahaanba banaanka ka joogo Dowladda Federaalka Soomaaliya
Waxaa la xusuustaa in Xuseen Caydiid uu ka mid ahaa Mas'uuliyiintii Dowladda Federaalka ahayd ee Ciidamada Itoobiyaanka ah u soo hoggamiyay Magaalada Muqdisho, sidoo kalena uu mar sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay astaahilaan in ay xuduudaheeda isu furaan, isla markaana ay hal Baasaboor sameystaan.
Xil ka qaadista lagu sameeyay labadan Wasiir ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maalmahan la hadal hayay in Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi uu doonayo in uu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirrada, isla markaana uu doonayo in uu Xukuumadda ku soo daro Xildhibaano horay Hoggaamiye Kooxeedyo u ahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis),
Hiiraan Online
Xuseen Caydiid iyo Barre Hiiraale oo Xilalkii laga qaaday
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 77 Replies
- 4074 Views
-
Last post by galia
-
- 10 Replies
- 890 Views
-
Last post by melo
-
- 6 Replies
- 582 Views
-
Last post by Gifted
-
- 17 Replies
- 2633 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 2 Replies
- 603 Views
-
Last post by Idman702
-
- 3 Replies
- 546 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 6 Replies
- 1543 Views
-
Last post by kanadiid90
-
- 26 Replies
- 1491 Views
-
Last post by OliveOil
-
- 3 Replies
- 643 Views
-
Last post by Barkhadd