SHACBIGA SOMALILAND DIB MA U DOORAN
Posted: Sat May 12, 2007 9:31 am
what did i told you guys
Shacbiga Somaliland Dib Ma U Dooran
Ali D, Yassin — --------- — 11 May, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Shacbiga Somaliland dib ma u dooran qof aan rabin in Somaliland Dawlad noqoto
Shacbiga Somaliland dib ma u dooran qof aan rabin in Somaliland Dawlad
noqoto(Never Again)
Hadii Riyaale iman Lahaa London shacbiga Somaliland ee degan carada
Ingiriiska waxay la sugayeen Mudaaharaad ay ku dhigaan Riyaale, nasiib daro
waxaa u digay guulwadayaasha London u joogah, si kastaba ha ahaatee shacbiga
Somaliland waxay filayaan in madaxweyne ku xigeenka imanaaya London ka
jawaabi doono suaalaha hoosta ku qoran oo kala ah:
1) Waa maxay sababaha maamulka Riyaale uga ilaalinaayo ciidanka Somaliland
inay tagaan xadka Somaliland la wadaagto majeerteenka.
2) Muxuu maamulka Riyaale uga soo celiyey ciidanka Somaliland markay tageen
xadkooda.
3) Sababtay majeerteenku u qabsadeen meel u jirta magaalada Ceerigaabo shan
( 5 ) kiloomitir oy calanka Somaliland ka dajiyeen, kana taageen calanka
majeerteenka.
Waxaa kaloo lawada ogyahay in wafdigii tegay magaalada Ceerigaabo ku
yidhaahdeen reer Ceerigabo, hadii dalka Somaliland shisheeye soo weeraro,
shacbiga Somaliland oo isku-duuban ayaa dalka difaaci, markaa su'aasha
meesha ku jirtaa waxay tahay, wafdigu dalkay ka hadlayaan ma Burco iyo waxa
galbeed ka xigaa, oo gobalka Sanaag ka mid ma aha Somaliland? Gobaka Sanaag
oo badankiisa majeerteenku gacanta ku hayaan maanta.
Waxa kaloo shacbiga Somaliland la yaabanyahay hadalada ka soo yeedhay,
wafdigii Riyaale u diray magaalada Ceerigaabo. Wafdigaasoo ku yidhi reer
Ceerigaabo, waxaanu idiin samayn doonaa, Radio, TV iyo dugsiyaal, markaa
reer Ceerigaabana waxaa laga rabaa inay ka ilaaliyaan dhibaato ka timaada
xadka u dhaxeeya Somaliland iyo majeerteenka, taasoo ku jirta danta reer
Ceerigaabo iyo ta Somalilandba.
Qodobkaa maamulka Riyaale ku taliyey, waxuu cadaynayaa in maamulka Riyaale
heshiis hoose lagalay dawlado shisheeya ah oo dantooda ilaashanaysa, kana
faa'idaysanaaya karti xumuda maamulka Riyaale.
Saddexda nin ee kala maamula Ethiopia, Djibouti iyo Somalia waxay balan ugu
qaadeen Riyaale inay is barbar taagi doonaan hiil iyo hooba si mar labaad
loogu doorto madaxweynimada Somaliland. Sadexdaa nin oo u arkay in dantoodu
ku jirto Riyaale oo ku soo noqda xukunka Somaliland inkastoo maamulka
Djibouti aanay isku calool furnayn nimanka maamula Ethiopia iyo Somalia hase
ahaatee sadexdaa nin waxay isku raacsan yihiin in Riyaale lagu hayo laguna
ilaaliyo in Somaliland uu madax uu ka ahaado.
Sidaa awgeed waa in shacbiga Somaliland indhaha furaan ooy hoos u eegaan
arrimaha Somaliland ee Riyaale darafyada ka fadhaayo si aanay Somaliland u
noqon dawlad buuxda.
Ali D, Yassin