Page 1 of 1

Suldaan Cabdi Nasir Jamac Seed oo gaarigiisii lagu dhacay Ga

Posted: Sat May 12, 2007 10:31 am
by Hiiraan boy
Suldaan Cabdi Nasir Jaamac Seed oo ka mida Salaadiinta Beesha Sacad ee ku abtirsada goboladda Mudug iyo Galgaduud ayaa manta kooxa hubaysan gaarigiisa ku dhaceen Magaalada Gaalkacyo.

Gaarigga Suldaanka ayaa la sheegay inay dhaceen Dableey ka soo jeeda Waqooyigga Gaalkacyo ee Puntland kuwaas oo ka dabaaqtamayay gaari ay shalay dableey u dhalatay Koofurta Gaalkacyo ka soo dhaceen dhinaca Waqooyiga Magaaladaas.

Dhaca kooxaha dableeyda ah u gaysteen gaariga Suldaan Jaamac Seed ayaa abuuray Xiisado xoogan waxaana istaagay isu socodka gaadiidka kadib markii manta oo kaliya lagu kala dhacay Gaalkacyo ilaa toban gaari oo ay leeyahiin Rag ka soo jeeda Beelaha Sacad iyo Majeerteen.

Taliyaasha labada Daan ee Gaalkacyo ayaa Waagacusub u sheegay inay socdaan dadaalo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadaha ,waloow mar kasta laga cabsi qabo in kala dhaca gaadiidka isu bedelo Colaad beeleed hadii ,tacshiiradaha la isku furayo dad u dhashay labada beel wax ku noqdaan.

Cabdalla Abdi

Gaalkacyo
+25262-320000 telcom Somalia
+2522-864911 Sita link (STC)

Re: Suldaan Cabdi Nasir Jamac Seed oo gaarigiisii lagu dhacay Ga

Posted: Sat May 12, 2007 10:34 am
by Somaliman%
rer galkayo are indeed funny people before they use to steal camels of each other now its cars.. Laughing Laughing Laughing

Re: Suldaan Cabdi Nasir Jamac Seed oo gaarigiisii lagu dhacay Ga

Posted: Sat May 12, 2007 10:48 am
by Unclebin-
Big uppppppppps to my cousin for stealing the car of the Sacad issim Laughing

Re: Suldaan Cabdi Nasir Jamac Seed oo gaarigiisii lagu dhacay Ga

Posted: Sat May 12, 2007 10:50 am
by COSTA
The idiots in Gaalkacyo have to learn how to live in a civilized way