Ururka Hurumarinta iyo Dib udhiska Somaaliyeed ee (SDRO) oo cunto qaybin balaaran ka wada degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada deegaanada dawlad goboleedka Galmudug State.
May,12,2007 www.Hobyoradio.com
Shixnadan cuntada ah oo uu qaybinayo ururka SDRO oo wada shaqayn la lehhay'adda Care International ayaa waxa ay cuntadan ka qaybinayaan goobo fara badan oo katirsan deegaanada hoos yimaada dawlad goboleedka gal mudug state, oo iskugu jira degmooyin iyo tuulooyin.
Macawinadaan oo ay keentay hay'adda Care International ayaa si dar der leh uga socataa degmooyin ka tirsan gobolka mudug, ayadoona macaawinadaan ay iskugu jirto qaybo farabdan sida; misir,Masago,boorsh, iyo waliba bacaha roobka laga galo, oo aad moodo inay xiligaan siweyn u anfacayso daka danyarta ah maadaama la galay xili roobaad.
wakiilka ururka SDRO ee gobolka GalMudug Mudane, Cali Dahir Maxamud Xirsi oo asagoo ku sugan xaafiiskiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolak mudug aan wax ka waydiiyay cida la siinayo macawinadaan iyo goobaha la gaarsiinayo ayaa ugu horayntii Umahad celiyay shbakadda hobyoradio asagoona ku amaanay hawlaha hor umarka leh ee ay fulisay gobolka mudug oo ay ka haqab tirtay dhinaca wararka iyo ka hadalka arimaha bulshada, Cali daahir ayaa waxa uu sheegay in macawinadaan ay tahay mid loogu loogu talo galay in ka badan kow iyo toban kun iyo sagaal boqol oo qoys(11,900) ku waas iskugu jira dad ku soo barakacay dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya oo dad badan oo ka soo qaxay ay haatan ku sugan yihiin degmooyin ka tirsan gobolka mudug iyo Hobyo waxaa sidoo kale macaawinadaas qayb ka ah buu yiri Cali Daahir dadka la siinayo iyo kuwo kale oo ku xoolo beelay abaarihii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay gobolka mudug. cali daahir ayaa intaasi ku daray in Macawinadaas laga gaarsiinayo dhamaan deegaanada Galmudug , sida; Magaalada gaalkacyo oo hadaba ay ka socoto hawsha cunto Qaybinta ah, Galinsoor,Bandiiradley, Sedex higlo,Dagaari,Hobyo,Wisil, iyo degmooyin kale.
Wakiilka ururka Horumarinta iyo Dib udhiska Somaaliyeed Mudane, Cali Dahir waxa uu sidoo kale xusay in aysan ahayn markii koowaad ee ay deegaanada gal mudug cunto ka Qaybiyaan ururkoodu balse ay dhawr mar oo hre ay sidaan oo kale. cuntadan keentay hay'adda Care International uu ururkooda qeybiyo gaarsiiyana goobihii iyo dadkii loogu talagalay, iyadoo shixnadan.
Dadweynaha ku nool deegaanad Galmudug State ayaa si diiran u soo dhaweeyey waxqabadka ay ururada dawliga iyo kuwa wadaniga ah ay ka wadaan gobolka taas oo kor u qaaday dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo horumarinta arimaha bulshada ah.
Cabdalla Maxamed Cabdille
cabdalla45@hotmail.com
Gaalkacyo,Galmudug State
Hobyo Radio News Media
ururka SDRO oo gobolka GalMudug cunto qeybis ka wada
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- Karbaash_killa
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3672
- Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
- Location: Wisil, Galmudug State of Somalia
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 8641 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 548 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 3813 Views
-
Last post by 1moonlight
-
- 4 Replies
- 729 Views
-
Last post by sadwiil
-
- 12 Replies
- 1508 Views
-
Last post by WACAYSA IS GALE
-
- 1 Replies
- 441 Views
-
Last post by subeir123
-
- 0 Replies
- 8 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 4 Replies
- 525 Views
-
Last post by thegoodshepherd
-
- 1 Replies
- 309 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 14 Replies
- 1379 Views
-
Last post by TheNewElectedWarLord