Dagaalo beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka jira De

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Dagaalo beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka jira De

Post by Hiiraan boy »

Dagaalo beeleedyo geystay dhimashada lix ruux iyo dhaawaca tobaneeyo kale ayaa waxa uu ka ololayaa deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe.

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta G/Sh/Dhexe waxa ay sheegayaan in dagaaladan ay ka socdaan Tuulooyin hoos yimaada Degmada Cadale, kuwaasoo lagu kala magacaabo Ceel Muluq iyo Xaaji Cali.

Waxay dagaaladan sababeen inuu ku fido deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolkaas, iyadoo ay dhaceen barakac xoogan.

Dagaaladan ayaa waxa ay kaloo sababeen in beelihii dagaalamay ay iska gubaan Beero iyo Guryo ku yaala Deegaanada lagu dagaalamay.

Odayaal iyo waxgarad ka tirsan Gobolka ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku qaboojiyaan Colaad aad u qaraar ee u dhaxeysa labo beeleed oo wada dega Gobolkaas.

Dhanka kale war hada naga soo gaaray Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo Ethiopian oo fara badan ay ku baxeen dagaaladaas, iyagoo doonaya in si xoog ah ay ku joojiyaan dagaalka.

Ciidamada Ethiopianka ayaa gaaray magaalada Jowhar Maalintii shalay, iyadoo qaar ka tirsan Ciidamadaas ay u ambabaxeen deegaanada dagaalada ka jiraan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”