Maamulkii Gobolka Jubbada Hoose iyo kan Kismaayo oo Shaqada

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Maamulkii Gobolka Jubbada Hoose iyo kan Kismaayo oo Shaqada

Post by Hiiraan boy »

Maamulkii guud ee gobolka Jubbada Hoose iyo kan magaalada Kismaayo ee Xaruntii Gobolka Jubbada Hoose ayaa manta Gebi ahaanba shaqada laga joojiyay, taasi oo xiisad ka kicisay magaaladaasi.

Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo guryeynta Dowladda KMG ah ee Somalia Xasan Maxamed Cumar ayaa wareegto uu manta soo saaray ku shaaciyay shaqo joojintaasi oo uu ku tilmaamay mid KMG ah.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay maamulka inay lunsadeen dhaqaalihhii magaalada Kismaayo iyo kan Gobolka islamarkaana aysan waxba u qaban dadkii loo doortay inay hogaamiyaan, ayna ku guul darreysteen inay xal u helaan shaqaaqooyinka ka taagan Deegaanka Buul-Gaduud.

Waxa uu sheegay inay si joogto ah canshuurta u uruursadaan haddana sidaa oo ay tahay ay jeebka ku shubtaan oo aysan shacabka waxba ugu qaban.

Waxaan isaga shaqada laga joojin oo sii wadan doona Xisaabiyaha Guud ee magaalada Kismaayo oo uu Wasiir ku xigeenka sheegay inuusan wax dambi ah ka galin islamarkaana uusan sameyn wax is daba maryeen.

Wasiir Kuxigeenka Xildhibaan Xasan, ayaa ku amray Ciidamada maamulka inaysan waxba ka amar qaadan maamulka shaqada laga joojiyay ayna ku dadaalaan sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka guud ee Gobolka.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay magaalada Kismaayo oo la sheegay in manata aysan dhaq dhaqaaq maamul ka jirin.
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Re: Maamulkii Gobolka Jubbada Hoose iyo kan Kismaayo oo Shaqada

Post by DawladSade »

xassan maxamed cumar was sent there by barre to keep the cover the tfg is still in control of kismaayo Laughing Laughing


[quote]Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo guryeynta Dowladda KMG ah ee Somalia Xasan Maxamed Cumar ayaa wareegto uu manta soo saaray ku shaaciyay shaqo joojintaasi oo uu ku tilmaamay mid KMG ah.[/quote]


Laughing Laughing
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Re: Maamulkii Gobolka Jubbada Hoose iyo kan Kismaayo oo Shaqada

Post by Hiiraan boy »

why are some merehan spying for dhabdhilifs in buulogaduud?

deputy governer is merehan and hes sending canshuur money to dhabdhilifs in buulogaduud
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”