Somaliland oo Beenisay qorshaha midnimada Somalia oo la shee

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Somaliland oo Beenisay qorshaha midnimada Somalia oo la shee

Post by Hiiraan boy »

Somaliland oo Beenisay qorshaha midnimada Somalia oo la sheegay inay wadaan Ethiopia iyo USA
Warkii 13-May-2007 iyo Qormadii: C/qaadir gaabuush

Maamulka Somaliland ayaa beeniyey in lagala hadlay qorshaha waayadan la hadal hayey ee midnimada jamhuuriyadii Somalia, taas oo sida la sheegay ay wadaan Dowladaha Ethiopia iyo American ka ..

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxwayne Daahir riyaale ee magaalada hargaysa ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax xidhiidha oo ku saabsan midnimada Somalia oo ay dowladaha Ethiopia iyo Maraykanku la soo sameeyeen Somaliland



Bishii aynu soo dhaafnay ayaa wargaysaka Al-Khaliij ee afka carabiga kusoo baxa uu daabacay war uu sheegay inuu ka soo xigtay masuul sare oo ka tirsan safaarada Ethiopia ee magaalad Washington ee dalka Maraykanka , warkaas oo ku saabsanaa in Ethiopia iyo maraykanku ay xidhiidh ku saabsan midnimada Somalia kala sameeyeen maamulka madaxwayne Daahir riyaale, isla markaana ay ku tala jiraan in ay madaxwayne C/laahi yuusuf geeyaan magaalada Hargaysa..



Warkan ka soo baxay xafiiska Daahir riyaale ayaa lagu sheegay in Somaliland ay wadahadal lagalayso Somalia marka ay dowlad awoodlle ka dhalato waa sida ay hadalka udhigeene..



C/qaadir gaabuush

Afnugaal.com

Gaabuush6@hotmail.com

+256774833715
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”