Muqdisho Oo Laga Dhisay Kooxda Argagaxa, Dilka & Afduubka...

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Muqdisho Oo Laga Dhisay Kooxda Argagaxa, Dilka & Afduubka...

Post by Hiiraan boy »

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in dhowaan si hoose ay u dhiseen Madaxda Kooxada Argoosiga ee Imbagathi, maamulkeeda laga hago Maamulka Gobolka Benaadir ee uu hormuudka ka yahay Maxamed Cumar Xabeeb -Max'ed Dheere, Kooxo arxan daran oo u badan dhalinayro aad u da' yar kuwaasoo loogu talo galay iney khalkhal iyo cabsi joogta ah ku hayaan Bulshada ku nool Caasdimada Soomaaliya...
Wararka ayaa sheegayaan in Kooxdaan ay seddex qeybood ka kooban tahay iyadoo wararku intaasi raacinayaan in Kooxda 1aad uu Madax u yahay -Maxamed Cali Dhjagaxtuur oo aan wax xil ah kaheynin Maamulka Gobolka iyo midka guudba, balse ay hoose yimaadaan 8 gaadiid dagaal iyo maleeshiyaadk 300 gaarya kuwaasoo, ku shaqeeya qaabka calooshood u shaqeystayaasha qaatana qandaarska dilka iyo afduubkaba & dhaca hantida, waxeyna ka howl galaan magaalada Muqdisho, -Kooxda 2aad waxaa madax u ah Cabdulqaadir Beebe oo ka mid ahaan jiray Hogaankii argagixiso la dirirka wuxuuna ku howl galaa 15 gaadiid dagaal iyo tiro maleeshiyaad jufo hoosaadkiisa ah, oo isugu jira kuwo uu iska leeyahay Ganacsade ay qaraabo yihiin iyo Bashiir Raage iyo tiro yar oo uu leeyahay, wuxuuna ka mid yahay Kooxdaan qandaraaska ku qaadatay iney argagax iyo cabsi geliyaan shacbiga magaalada Muqdisho, sidoo kale -Cabdinaasir Ibraahim Shaaweey oo dhaxl suge xilkii Aabihii, Wiilkaan oo la sheegya inuu aad u yar yahay, ayaa isna la sheegay inuu tiro gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad jugo hoosaadkiisa ah ku heysto degaanka Xariiryaale, wuxuuna todobaadkii ugu dambeeyay olole balaaran oo isugu jira dhac dil, boob ka wada degmada Wardhiigley, isagoo tiro dhowr ah oo dadka degaanka qaarkoodna dilay kuwo kale u geystay dhac iyo jirdil, wuxuu soo fagay tiro badan oo qabuuro ah oo degaankaasi ku yaala, kuwaasoo uu ku sheegay in lagu qariyay Hub iyo rasaas, kadib laga helay lafihii marxuumiinta, Kooxahaan Arxanka daran ayaa la sheegay iney si toos ah u maalgeliyaanSirdoonada Mareykanka iyo Yuhuuda, waxaana saadka iyo sahadaba siiya Ciidamada Ethiopia, iyagoo si toos ah u hoos taga Maamulka Maxamed Dheere, Magaalada Muqdisho ayaa amaankeeda waxaa khalkhgal geliyay kooxahaan abaabulan kuwaasoo maalinba deghmo weerara.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”