Ganacsatada Jowhar oo cabasho ka muujiyay canshuuro lagu soo
Posted: Mon May 14, 2007 7:29 am
Ganacsatada Jowhar oo cabasho ka muujiyay canshuuro lagu soo rogay
Click here to find shabelle news in english
Jowhar 14, May.07 ( Sh.M.Network) Ganacsatada Suuqyada magaalada Jowhar ayaa cabasho ka muujiyay lacago canshuuro ah oo maamulka gobolkaasi ay soo rogeen.
Cabashooyinkaan maanta ka soo yeeray maamulka gobolka ayaa waxa ay la xiriirtaa canshuuraha ay dhowaan maamulka gobolka ku soo rogeen ganacsatada magaalada Jowhar.
Gudoomiyaha Guddiga ganacsatada Jowhar Yuusuf weyne ayaa suxufiyiinta kula hadlay magaalada Jowhar, oo uu kaga war bixiyay canshuuraha lagu soo rogay, isagoo sheegay in maamulka gobolka ay ku soo rogeen suuqyada canshuuro la mid ah kuwii uu qaadi jirey Max'ed Dheere.
" Waxaanu fileynay in ay qafiifin doonaan canshuuraha, laakiin ma aysan dhicin, waana u gudbinay maamulka cabashadeena" ayuu ayuu hadaladiisa sii raaciyay.
Dhowaan ayay aheyd markii gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Max'ed Cumar Deelle shir Jaraa'id uu qabtey uu ku sheegay in howlo canshuur uruurin ah ay ka bilaabayaan magaalada Jowhar, iyadoo dhaqaalaha ka soo xarooda wax lagaga qaban doono amaanka iyo masiibooyinka fatahaadaha.
Dhinaca kale Iimaam Max'uud Imaam Cumar ayaa ku Biiray guddi nabadoono ah oo u baqoolay deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Sh/dhexe oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen labo beelood oo halkaasi wada dega.