Page 1 of 1

Col.Barre Hiiraale Oo Ay Gelbinayaan Gaadiidka Dagaalka Oo G

Posted: Tue May 15, 2007 5:48 am
by Hiiraan boy
Col.Barre Hiiraale Oo Ay Gelbinayaan Gaadiidka Dagaalka Oo Gaaray Degmada Baardheere
Warkii 15-May-2007 iyo Qormadii: yaasiin faytin

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowlada KMG ah ee xilka laga xayuubiyey oo ay gelbinayaan gawaarida dagaalka oo fara badan ayaa gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo, xilli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay gacan ku heynta magaalada Kismaayo ee xarun goboleedka jubada hoose.

Col ,Barre Hiiraale oo ay socodkiisa ku wehliyaan kolonyo gawaarida dagaalka ah ayaa xalay fiid horaadkii gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, xilli dhowr cisho ka hor uu xilkii uu hayey dowlada KMG ah ee ahaa wasaarada gaashaandhiga lagaga xayuubiyey wareegto ka soo baxday xafiiska raysal-wasaare geedi



Col. Hiiraale oo aan socdaalkiisa hore u shaacsanayn ayaa sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmadaasi si weyn loogu soo dhoweeyey islamrkaana milasyshiyadii iyo gaadiidkii dagaalka ee uu watay la dejiyey sida ay tibaaxayaan wararkaasi xaruntii ciidamada xoogga dalka soomaaliya xiligii dowladii bur-burtay ee 1991



Sidoo kale tegitaanka col,hiiraale ee magaalada baardheere ayaa warar kala duwani kasoo baxayaan oo qaarkood shegayaan inuusan ku qanacsanayn xilka dhowaantan isagoo ku sugan magaalada baydhabo uu ka qaaday raysal-wasaare geedi islamrkaana la sheegay inuu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya isaga iyo masuuliyiinta ugu sarsaraysa dowalada KMG ah ee madaxweyne yuusuf iyo raysal-wasaarihiisa geedi .



Wararka ayaa intaas ku daraya in xildhibaan barre hiiraale uu wada tashi la samayn doono odayaasha iyo waxgaradka beesha sadde oo uu kasoo jeedo islamrkaana ay ku lafa guri doonaan xaaladaha siyaasadeed ee isbedeshay, lama oga Col. Barre Hiiraale inuu ku sii nagaan doono iyo in kale magaalada baar -dheere iyo inuu usii socdaali doono magaalada Kismaayo .



Si kastaba ha ahaatee socdaalka Col. Barre aadan shire (barre hiiraale) ee degmada Baardheere ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada kismaanyo ee xarunta gobolka jubada hoose ay isku horfadhiyaan ciidamadii hore looga saray magaladaas ee uu hogaaminayo col,c/risaaq af-guduud iyo weliba milayshiyaad ay isku heyb yihiin barre hiiraale oo gacanta ku haya magaalada kismaanyo



Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

info@afnugaal.com