Page 1 of 1

Qayli dhaan laga keenay Ciidamada faraha badan ee daadsan Ca

Posted: Tue May 15, 2007 5:51 am
by Hiiraan boy
Ciidamada faraha badan ee daadsan Waddooyinka Caasimadda Soomaaliya ayaa laga keenay qayli dhaan Caalami ah kadib markii dadweynaha Magaalada Muqdisho ku sheegeen ciidamadaas kuwa caadi ka dhigtay inay dadka dhacaan iyagoo lebisan dharka Ciidamada.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa qaati ka taagan hab dhaqanka Ciidamadaas, waxaana dhacday dhawr Jeer in Ciidamada Dowladda ay gudaha u galaan qaar ka mid ah bakhaarada qaaska loo leeyahay iyagoo la baxay Lacago.

Ciidamada kale oo jooga Waddooyinka Magaalada ayaa waxay baartaan baabuurta dadweynaha marka ay arkaan waxyaabo muhiim ah.

Maamulka Gobolka Banaadirn ayaa la codsaday inuu wax ka qabto Ciidamada fara badan ee daadsan Waddooyinka Caasimadda kuwaas oo dhac iyo dhibaato ku haaya Bulshada.