Xuskii 15ka may ee ugu horeeyay iyo muuqaal sawir ah
Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 14/05/07
Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aasaaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo isagoo ay ku mideysanyihiin dadyowgii ku noolaa koofurta Soomaaliya.
Haddaba inta aanan u guda gelinn dhalintii aasaastay xisbigaas iyo axwaashiisa aan is weydiino sida uu ku bilowday fekerka xisbiga iyo dhalintii dhidibada u aastay.
Dhowr bilood ka hor 15kii May ee 1943kii, waxaa la isku raacsanyahay in C/qaadir Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke, oo ahaa laba saaxiibo oo aad isugu fog, ay is weydaarsadeen afkaar la xiriirta nidaamka gumeystaha iyo sida looga bixi karo iyadoo midba feker gaar ah uu qabay.
C/qadir Sheekh Sakhaawadiin oo ahaa ninkii keenay fekerkaas ayaa qabay in la aasaaso Jimciyad Islaami ah oo umadda mideeya inta Xisbi siyaasi ah loo gudbin, halka uu Yaasiin X.Cusmaan uu ka qabay in la aasaaso xisbi siyaasi ah oo shacabka oo dhan metela.
Wadahadaladooda way joogteeyeen iyagoo dhalin kalena kusoo biiriyay, illaa ay markii dambe isku raaceen in la aasaaso naadi ay dhalinta ku kulmaan oo ay isku bartaan waxna isku baraan gaar ahaa ku bartaan Luqadda Engriisiga oo aheyd mid ku cusub dalka,inta laga gaarayo waqti ku haboon oo xisbi siyaasi ah isu beddeli karo naadigaas, waxyna ugu magac dareen SYC Somali Youth Club.
Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:-
In xukuumadda Engriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC.(Somali Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto.
In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.
In la dejiyo barnaamij kumeel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.
Markii ay qoreen codsigii ayay 13kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Engriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan doonaan,laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee aheyd:-
( Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari mooro lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan..)
Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin Karin madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay , Hadalkaada waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano,waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan ariga u cunin,mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin.
Maalmo ayay jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay warqad lagu xusay in Engriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday in ay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.
Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd naadiga.
Sheekh C/qaadir Sh. Sakhaawadiin ayay guddoomiye u doorteen halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loo doortay ku xigeeno iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye.
Xisbiga oo ujeedadiisa fog ay aheyd ka xoreynta dalka gumeystaha kusoo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado la dagaalanka qabyaaladaa iyo midab kala sooca.
Dhaliyaradii aasaastay xisbiga SYC oo markii dambe isu beddelay SYL (Somali Youth Lego) waxay ahaayeen 13 dhalinyaro oo da’doodu aad u yaraeyd aqoontoodan aad u xaddidneyd. Waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa magacyadooda iyo da’dooda iyo weliba sidii xubin nimada ay ugu kala horeeyeen:-
Magac M/Dhalasho Gobol S/Dhalasho Da’da
1. Cabdulqaadir Sakhaawadiin Tayeeglow Bakool 1919 24 Jir
2. Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) Mareeg G/gadud 1915 28 Jir
3. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke Hobyo Mudug 1917 26 Jir
4. Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad Muqdisho Banadir 1917 26 Jir
5. Cusmaan Geeddi Raage Muqdisho Banadir 1925 18 Jir
6. Dheere Xaaji Dheere Muqdisho Banadir 1926 17 Jir
7. Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne) Hobyo Mudug 1925 18 Jir
8. Cali Xasan Maslax - 1919 24 Jir
9. Maxamed Cali Nuur Mugadisho Banadir 1927 16 Jir
10. Maxamed Faarax Hilowle Mareeg G/gaduud 1925 18 Jir
11. X. Maxamed Cabdulaahi Xayeesi Muqdaisho Banadir 1918 25 Jir
12. Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax Mareereey Sh/hoose 1926 17 Jir
13. Maxamed Cusmaan Baarbe Baardheere Gedo 1910 33 Jir
kuma koobnaanin 13kaas nin ee markiiba waxaa kusoo biiray dhalin aad u fara badan waxaa xusid mudan kaalintii lama ilaawaanka ahaa ee ay haweenka Soomaaliyeed kasoo qaateen xisbigaas SYL,waxaaba la oran karaa maba najaxeen haddii aysan taakuleyn oo aysan garab istaagin haweenka.
Xisbigu wuxuu dhisay dowladdii daakhiliga aheyd wuxuuna lasoo kulmay dhibaatoouin fara badan illaa uu dalka ka gaarsiiyo madax banaani buuxda.
W/D, Safiyo Abuukar Karaani
(FG. Qormadaan waxaan ka xigtay Aabahey Xaaji Abuukar Maxamuud Karaani (Abukar Dariisho) oo ka mid ahaa dhalintii ku xigtay 13kii dhaliyado ka dib iyadoo sawiradana uu igaga tegay Allaha u naxariistee..). waxaan ka codsanayaa akhristayaasha in ay ka raali noqdaan wixii khalad ah ee ay kala kulmaan qormadaan ilana soo socodsiiyaan si aan u saxo.
Mahadsanidiin.
Safiyo Abukar Karaani
Sofiyaloren@hotmail.com
http://www.somaliweyn.com/pages/news/Ma ... may10.html
XUSKII 15KA MAY
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
Re: XUSKII 15KA MAY
somalia is back at the map so le we remember those heroes sing this anthem song with me
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada oo
Hadba kiina taagdaran
Taageera waligiin
Idinkaa isu tookhaayoo
Idinkaa isu taamaayee
Adamuhu tacliin barayoo
Waddankiisa taam yeel
Sharcigaa isku kiin tolayoo
Luqadaa tu waaxid ahoo
Arligiina taaka ahoo
Kuma kala tegeysaan
Tiroo ari ah oo dhaxalaa
Sideed laydin soo tubayoo
Ninba toban la meel marayoo
Cadowgiin idiin talin
Tuldo geel ah oo dhacan baad
Toogasho u badheedhane
Ma dhulkaas dhanee tegeybaan
Ninna dhagax u tuurayn
Qaran aan hubkuu tumayo
Toorreyda dhaafayn
Oo aan taar samayn karin
Uur kutaallo weynaa
Hadba waxaan la taahaayoo
Togagga uga qayshaa
Nin dalkiisii cadow taaboo
U tol waayeybaan ahay
Marba waxaan laa ooyaa
Oo ilmadu iiga qubataa
Ikhtiyaar nin loo diidoo
La addoon sadaan ahay
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada oo
Hadba kiina taagdaran
Taageera waligiin
Idinkaa isu tookhaayoo
Idinkaa isu taamaayee
Adamuhu tacliin barayoo
Waddankiisa taam yeel
Sharcigaa isku kiin tolayoo
Luqadaa tu waaxid ahoo
Arligiina taaka ahoo
Kuma kala tegeysaan
Tiroo ari ah oo dhaxalaa
Sideed laydin soo tubayoo
Ninba toban la meel marayoo
Cadowgiin idiin talin
Tuldo geel ah oo dhacan baad
Toogasho u badheedhane
Ma dhulkaas dhanee tegeybaan
Ninna dhagax u tuurayn
Qaran aan hubkuu tumayo
Toorreyda dhaafayn
Oo aan taar samayn karin
Uur kutaallo weynaa
Hadba waxaan la taahaayoo
Togagga uga qayshaa
Nin dalkiisii cadow taaboo
U tol waayeybaan ahay
Marba waxaan laa ooyaa
Oo ilmadu iiga qubataa
Ikhtiyaar nin loo diidoo
La addoon sadaan ahay
-
- Posts: 65
- Joined: Wed Apr 18, 2007 9:23 am
Re: XUSKII 15KA MAY
Faqash Killer Hoyada wass
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5303
- Joined: Thu Sep 07, 2006 11:52 am
- Location: shibis, shangaani iyo shabellehoose= Shanshi Serenity
Re: XUSKII 15KA MAY
3 majerteen's were SYL MEMBERS. WE ARE THE FATHERS OF SOMALIA 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 451 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 5 Replies
- 688 Views
-
Last post by VeiledGarbasar
-
- 2 Replies
- 654 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 6 Replies
- 556 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 303 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 1 Replies
- 356 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 5 Replies
- 657 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 219 Views
-
Last post by Adan_1