4 ugandans die in mogadisho!!!!!!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somaliman%
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3787
Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
Location: The hills. England,
Contact:

4 ugandans die in mogadisho!!!!!!!!

Post by Somaliman% »

Muqdisho:- Ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda ayaa ku dhintay 5 kalena waa ay ku dhaawacantay qarax maanta lala beegsaday
ciidamada Uganda oo marayay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho inkastoo aan la garaneyn cida ka danbeysa qaraxaasi.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado ciidamada Uganda tan iyo markii Muqdisho ay soo gaareen horaantii bishii Maarso kadib markii askari uu kaga dhintay hoobiye lagu soo tuuray xarunta madaxtooyada intii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay kooxaha muqaawamada iyo ciidamada Ethiopia iyo kuwa DF.

Afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyay in 4 tirsan ciidamadooda ay ku dhinteen 5 kale ay ku dhaawacmeen qarax bambaano oo wadada loo dhigay kolonyo ciidamada Uganda ay la socdeen.

Sidoo kale afhayeenka madxtooyada Xuseen Maxamud Maxamed ayaa ka hadlay qaraxa lala beegsaday ciidamada Uganda, isagoo sheegay in 2 qof loo qabtay qaraxaasi oo uu ku eedeeyay wax uu ugu yeeray argagixiso.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid si rasmi ah u sheegatay qaraxa lagu weeraray ciidamada Uganda, hayeeshee kooxaha dowlada kasoo horjeeda ayaa horey ugu hanjabay ciidamada AMISOM, Itoobiyaanka iyo waliba kuwa Dowlada Soomaaliya ay weeraro la beegsan doonaan.

Hogaamiyihii Maxaakiimtii laga awood roonaaday Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa horey wareysi uu u bixiyey bishii lasoo dhaafay ee April ku sheegay in Ciidamada Ugandha iyo kuwa Itoobiya ay isula mid yihiin isla markaana weerar lala beegsan doono.

Weerarkan ayaa kusoo aaday Xili Madaxweynaha Dowlada Federaalka uu safar ku marayo dalka Ugandha halkaasi oo uu Madaxweynaha dalkaasi Yuweri Musefei isula soo qaadeen hawlaha amni sugida ee ka qeyb qaadanayaan ciidamada Ugandha.


http://www.horseednet.com/horseednet.php?id=7086
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”