

Calanyahow casaankiyo.
Cadaankiyo cakaarkiyo.
Midabkiisu caan yahay.
Intuu wiil cudoon iyo.
Caaqil iyo abwaaniyo.
Gabadh curada kuu goay.
Ciidaa way ka badan tee.
Cadawgaaga weligii.
Caadil kuuma jebiye.
Noqo midaan ku ciilbaxo.
Ciiltire idhaahdiyo.
Cawil nabada ii noqo.
Culimada aduunke.
Casharada dhigta qorey.
Inaad tahay mid caadila.
Taxwiidka caanka ah.
Dusha kaga camiranyahay.
Cadceed soo baxdaad tahay.
Curad noo dhashaad tahay.
Annagoo calool xumo.
Dhamaan wada colownoo.
Sida cawsha geriyaad.
Kala carar ku suganbaa.
Rabbigay ku curiyoo.
Caqliga iyo maankii.
Midka cawiyaad tahay.
Anigoo caruuran.
Caqligayga geliyoo.
Damcay inaad mar cugate.
Cantar binu -shiddaadiyo.
Waxaan ahay nin cudud weyn.
Casarkiyo habaynkii.
Anaa ciidan ku ahe.
Ku ciyaar dushaydoo.
Weligaa ha cishoon.


