Puntland Officials Behind Kidnapping of CARE Workers

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Puntland Officials Behind Kidnapping of CARE Workers

Post by AbdiWahab252 »

Thats the story from an Opposition Group from the area

C/naasir Guure “Afduubkii shaqaalihii Care Int. waxaa ka danbeeyay mas’uuliyin ka mid ah maaulka Puntland”

War-saxaafadeed uu afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party C/Naasir Guure Faarax (jeer) ka soo saaray maagaalada London ayuu wuxuu kaga hadlay lahaystayaashii ha'yada Care International.

“Umadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba waa salaaman yihiin salaan kadib, hadaanu nahay xisbiga RPP waanu canbaareynaynaa horayna waan u canbaaraynay afduubkii loogu gaystay Puntland ragii u shaqaynayay hay’adda Care Int. waxaanu soo dhawaynaynaa xorriyadoodii loo soo celiyay ragaas, waxaana u mahad celineynaa odayaashii dhaqanka ee ka qeyb qaatay soo deyntooda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed u sheegeynaa hadaan nahay xisbiga RPP inaanu aad ugu guda shirnay sidii aan uga qeyb qaadan laheyn sii deynta labada nin ee Care u shaqaynayay, waxaana maal mahaan rabnay inaan arrintaan wax ka qabadkeeda kala kaashano mas’uuliyiin ka tirsan dowladaan UK, maxaa yeelay labada nin ee la haystay ninba ahaa British”.

Sidoo kale, afhayeenka midowga yurub ee xisbiga RPP ayaa sheegay inay khasab ku noqotay isaga oo ka wakiil ah xisbiga RPP sidoo kalena ah nin Biritish ah inuu dhexda u xirto sidii lagu sii deyn lahaa shaqaalahaasi.

“Waxaan rabnay inaan mar hore dadka u soo bandhigno inaan mudnaanta koowaad laheyn sababta sii deysmada raggaasi, balse anagoo eegeyna amaankooda ayaanu ka gaabsanay, balse hada wixii ka danbeeya waanu soo bandhignay dacwado ka dhana baanu horgaynayna 10 downing st-UK Parliament”.

“Shacabka reer Puntland intooda badan waxay u qabaan in ragaan ay iska afduubteen wiilal yar yar oo jirriya oo hadaf koodu lacag yahay, balse arintu saas maahan ee waa arrin siiyasad salka ku haysa wuxuuna af duubkan lug ku leh madax sar sare oo maamulka Puntland ku jira, iyadoo ay madaxda Puntland maal mahanba isku hayan sadex khayraad oo Puntland lee dahay oo ay kuwada takrifi jireen ayay maal mahaan isku fahmi waayen waana tankeentay in afduub lasameeyo.

“Sadexda khayraad oo ay madaxda Puntland masaakiintii iyo agoontii iyo dadkii soo barakacay ayka qadiyeen oo iyagu maanta ay xabada iskugu haystan oo qarka u saarantahay in ay isku laayan ayaa waxaay kala yihiin, 1200,000 milyan iyo labo boqol oo kun ay bixisay shirkada Batroolka baarista Range Reources iyo 1000,000 hal milyan oo ay bixisay shirkada arri dhoofinta AL-Jaabir iyo waliba lacag lagu sheegay inay ka badan tahay 1800,000 milyan iyo sedeed boqol oo laga qaaday maraakiib ay dhowaan qabatay shirkada bada Puntland ilaalisa oo lagu magacabo AL-Habiib, iyadoo an og nahay shirkadaan AL-Habiib in laftigeedu ay xaqdaro ku hayso shaqada ay hayso oo wax raali ka ah uu san jirin.


Ugu danbayn waxaan umada Soomaaliyeed u sheegauaa in aanu dhowaan dacwadooda soo bandhigi doono iyo magacyadoodaba raga ka mid ka ah mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Puntland oo intay soo dhafeen boobkii iyo xaqdaradii ay shacabka ku hayeen u talaabay afduubka ha'yaddaha dadka tabaalaysan wax u qabayn.


Afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party ee midowga Yurub C/Naasir Guure Faarax (jeer) Londo
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Re: Puntland Officials Behind Kidnapping of CARE Workers

Post by Hiiraan boy »

why did they kidnap aid workers that will feed hungry mjs?
Padishah
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2464
Joined: Sun Jan 07, 2007 9:10 am
Location: Ozzieland.

Re: Puntland Officials Behind Kidnapping of CARE Workers

Post by Padishah »

^ Exactly! Doesn't add up.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Puntland Officials Behind Kidnapping of CARE Workers

Post by AbdiWahab252 »

Padisah,

I am just cut n pasting the allegations of a Puntland Opposition party member.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”