Page 1 of 1

Dagaal sababay dhimasho oo ka dhacay deegaanka Buur-gaabo

Posted: Thu May 17, 2007 11:40 am
by Hiiraan boy
Dagaal sababay dhimasho oo ka dhacay deegaanka Buur-gaabo

Click here to find this article in english

Kismaayo 17, May.07 ( Sh.M.Network) Hal qof ayaa ku geeriyootey 3 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal shalay ku dhex maray labo maleeshiyo beeleed deegaanka Buur-gaabo ee gobolka J/hoose.

Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii labada dhimac ay isku maandhaafeen dakhliga canshuuro ka soo xarooda deegaanka Buur-gaabo oo dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

Dagaalkaan oo socday muddo labo saac ah ayaa qofka ku geeriyooday iyo 3da ku dhaawacantay waxa ay ahaayeen maleeshiyooyinkii dagaalamay sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan deegaanka Buur-gaabo.

Odayaal iyo waxgarad ku sugan degaanka Buur-gaabo ayaa ku guuleeystay in ay kala dhex galaan labada maleeshiyo oo wali isku horfadhiya halkaasi.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaalo ay ka dhacaan deegaanada Koonfureed ee magaalada Kismaayo.

Click here to find this article in english



Shabelle Media Network J/hoose
E-mail us: info@shabelle.net