Page 1 of 1

Alle maanta ayaanta

Posted: Thu May 17, 2007 6:50 pm
by HooBariiska
Iyo ciida wanaagsan
Ilaahii ina siiyey
Isagaa ku abaal leh
Way ahaataye maanta
Si wanaagsan u ciida


Callankeena Iftiimay
Xiddigtaa ku astaysan
Ilaahii ina siiyey
Isagaa ku abaal leh
Way ahaataye maanta
Si wanaagsan u ciida


Arday joogta iskuulka
Odayaal talinaaya
Ilaahii ina siiyey
Isagaa ku abaal leh
Way ahaataye maanta
Si wanaagsan u ciida

Hadba kii arrin keen ah
Ka kalee aqbalaaya
Ilaahii ina siiyey
Isagaa ku abaal leh
Way ahaataye maanta
Si wanaagsan u ciida

Have a pleasent 18ka may of all my somalilanders Very Happy
Si wanaagsan u ciida