Page 1 of 2

HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 1:51 pm
by HELWAA
http://www.somalilyrics.net/music/index ... song=Onkod

onkod roobku madaayo
aarna taaha madaayo
anna taa ma ilaawoo
jacayl ood rogan maayo
oon hilaac bi in maayo
ayro weerar madaayo
ninlihi aamusi maaayo
ergo geesi madiidoo
ilaah tiisu ma oosho
calaf la iska ma ooto
ubax dayr ma qarsoomo
godka lay iskuma aayo
ifka la isu tudhaayee
iilka la isma gar gargaroo
aboor la iskama baajee
nabsi hayga amaahan
axdigii ina dhex yiiliyo
ha iloobin aqoontee.


asaagay usha toosan
iyo ooda hagaagsan
hayiinkii asabaadee
madigii afar deeqa
inantiina ilwaadsan
ee asluubi u dheer tahay
sidaan u asteysto
kuu eegana yaaye
hadaan aamin idhaahdo
waa aqoonta haweene
oo rag iiga danbeeyo
halka ay ka cawayso
uur ku taalada maada
arimidiisa jacaylka
anigu soo dhaxli maayo
nabsi hay iga amaahan
axdigii ina dhex yiiliyo
ha iloobin aqoontee.

sida oogta hilaaca
ileyskeeda cadceeda
amaantaada libaaxa
malaa waanad ogeyne
ayaan uurkiyo maanka
wadnahayga agtiisa
sida aayad ku taalaa
uumiyaha u tusaayee
haadii aanu ibleysku
iga kaa anbineynin
inaad ii tudhi weydo
eegi maayo koley
arin kuuma hambeynee
araartii haku deeqdo
sina hayga adkeysan
nabsi hayga amaahan
axdigii ina dhexyiiliyo
ha iloobin aqoonteeSong Details

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 1:52 pm
by HELWAA
I want som help to find this song.........kumee kumee ma muuqatide...waxaan o malynaya inaa ahmed yousef qaado Confused

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 1:53 pm
by Samatr
Heesuhu waa xaaraan miyaadan ogeen?

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 2:00 pm
by Mr.Wise
http://www.somalitube.com/videos/Music/ ... 42a72397ec


Midabka dooggiyo
Sida madheedhkaay
Ama magoolkiyo
Manka kaliishaay

Heedhe macaaneey
Maydal qoordheereey
madow suguleeey
Iba mee sow maalmahan
naftaydii muu miran jacayl

Marso daruuriyo
Hillaac maraayaay
Ama mahiigaan
Sagalla muujaay

Heedhe macaaneey
Maydal qoordheereey
madow suguleeey
Iba mee sow maalmahan
naftaydii muu miran jacayl

Maashee gammaankiyo
Mase haldhaayeey
Qurux mullaaxoon
Marti ka joogaay

Heedhe macaaneey
Maydal qoordheereey
madow suguleeey
Iba mee sow maalmahan
naftaydii muu miran jacayl


Helwa enjoy inaadeer

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 2:01 pm
by HELWAA
[quote="Samatr"]Heesuhu waa xaaraan miyaadan ogeen?[/quote]


waryaa wax mako sheega hawada iga bax walaal Very Happy

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 2:02 pm
by HELWAA
Mr wise..thanx dear Very Happy

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 2:04 pm
by Samatr
Your welcome.

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 2:05 pm
by Mr.Wise
[quote="Samatr"]Your welcome.[/quote]


Waryaa You caring My famely Flag..

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 2:08 pm
by Samatr
Caadi weeye inaadeer isla Muuse baanu nahay, horta ma Jibriil Aadan baad aheed?

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 2:09 pm
by Mr.Wise
[quote="Samatr"]Caadi weeye inaadeer isla Muuse baanu nahay, horta ma Jibriil Aadan baad aheed?[/quote]
Iam Xasan My brother from another mother!!!

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 2:19 pm
by Samatr
Xasan Muuse?

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 2:28 pm
by Naaima
Salam alaikum

ala caawa heelwa way barjeeynaysaa Laughing Laughing

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 2:29 pm
by HELWAA
loooooooooool Naima.......it's friday....why not Laughing

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 2:30 pm
by Naaima
saxiiixa, aniga 2 cajalad aroos baa wada igu soo jirta!! can't wait walahi Cool Cool Cool

Re: HEESO SOOMAALI AH....

Posted: Fri May 18, 2007 2:34 pm
by HELWAA
Inaalilaah...aroos is to depressing walaal.....do you gonna watch it alone Laughing