Mogadishu 19, May.07 ( Sh.M.Network) Geerida afar ka tirsan ciidamada Uganda oo lagu dilay magaalada Muqdishu todobaadkii hore ayaa keenay baaqyo loo jeediyey madaxweyne Yoweri Museveni oo uu kaga soo saarayo dalka Somalia.
Meydka ciidamada Uganda ee laga duuliyay magaalada Muqdisho
Todobaadyo ka hor markii guuto ka kooban 1,400 oo askari oo reer Uganda ah waxa ay yimaadeen Muqdishu horaantii March, ayaa dadweynaha reer Uganda waxa ay si weyn su'aal uga keeneen xigmada ciidamadooda loogu dirayo Somalia oo mudo 16 sano ah ku soo jirtay dagaalo sokeeyey iyo qalalaase siyaasadeed.
laakiin warbaahinta dalka Uganda ayaa ilaa markii afar nabad ilaaliyaal ah lagu dilay Muqdishu, shan kalena la dhaawacay, waxa ay sameenayeen ra'yi aruurin xaga dadweynaha ah oo qaasatan laga aruurshay magaalada dalka Uganda ee Kampala, kuwaasoo badi dadka ay si weyn uga soo horjeesteen in askarta Uganda lagu sii hayo Somalia waqti ka badan lixda bilood ee loo qabtay howshooda.
Warbaahinta waxa ay sheegtay in dad badan oo reer Uganda ay ka walaacayaan in howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Somalia uu weecinayo dhaqaalo, awood iyo qeyraad kale oo lagu iloobayo dadaalkii lagu xalin lahaa khilaafka ka jira gudaha dalkooda ee mudada dheer soo jiray oo ay ku lug leeyihiin mucaaradka LRA ee ka dagaalama waqooyiga Uganda.
Waxaa kaloo jira fikrad kale oo isa soo taraysa oo laga aaminsan yahay gudaha Uganda, taasoo ah in madaxweyne Yoweri Museveni lagu riixay inuu si deg deg ah ciidamo ugu diro Somalia si uu ugu Qanciyo Mareykanka.
Aggrey Awori oo ah nin qaadaa-dhiga arrimaha siyaasada, ahna la taliyaha madaxweyne Museveni ayaa sheegay in Uganda ay ciidamada ugu dirtay Somalia sababtoo ah buu yiri waa waajib saaran wadamada Africa inay caawiyaan xiliga ay dhibaatooyinka jiraan.
Waxa uu yiri "qof kasta waa uu og yahay in marka aad ku jirto howlgal militari ay geeri ku soo wajahayso," isagoo intaa ku daray in waxa dhacay ay nasiib daro aheyd laakiin waxba kama bedeli doonto buu yiri mowqifkeenii hore.
Awori waxa uu sheegay in aysan Somalia ku tagin heshiis dhex maray xukuumadaha Muqdishu iyo Kampala balse ay ku tageen go'aan ka soo baxay Midowga Africa.
Waxa uu yiri "Somalia waa dal African ah sidaasi awgeed waxaan filaynaa in wadamada kale ee saaxiibadeena ee nagula jira Midowga Afrika ay ka dhabeeyaan balan qaadkooda ciidan-soo diris,"
laakiin dadka caadiga ee reer Uganda ayaa ka cabanaya in wax ficil ah laga la'yahay wadamada kale ee Africa, iyadoo wadamada Nigeria, Malawi iyo Brundi oo horey u balan qaaday inay ciidamo u soo dirayaan Somalia aan ilaa hadda waxba laga hayn.
Arrin kale oo dharbaaxo ku ah Uganda ayaa ah in Midowga Africa ay qireen inay heleen in ka badan 10 milyan oo doolar oo Midowga Yurub uu ku fangareenayo howlaha nabad ilaalinta, iyadoo ururka uu weli haysan lacag ku filan oo ay ku daboosho baahida howlgalka nabada ilaalinta Somalia.
Wasiirka gaashaandhiga dalka Uganda Crispus Kiyonga ayaa sabtidii la soo dhaafay waxa uu ku dhawaaqay in ciidamada nabad ilaaliyaasha ee dalkiisa ka socda ay ka soo bixi doonaan Somalia marka waqtigooda uu dhamaado oo ku eg bisha September.
wasiirka waxa uu sheegay inuu rajeenayo in ciidamo nabad ilaalin ah oo ak socda Q.M ay la wareegi doonaan howsha nabada ilaalinta ee Soomaaliya.
Ma cadda hadii wasiirka uu ku hadlay magaca madaxweyne Museveni, oo isagu horey uga digay in Q.M ay banaanka ka joogto Somalia, isagoo wacad ku maray inuu ciidamada Uganda ku sii haynayo Somalia ilaa buu yiri inta dalkaasi uu ka xasilayo.
Click here to find this article in english
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
Askartii Uganda ee lagu dilay Muqdisho oo Buuq ka kicisay da
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 1158 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 6 Replies
- 1006 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 1 Replies
- 469 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 1 Replies
- 367 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 0 Replies
- 473 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 353 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 1 Replies
- 480 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 4 Replies
- 41 Views
-
Last post by AbdiWahab252