Madaxa Maleeshiyaadka Dowlada Imbagathi Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay in weli magaalada Muqdisho ay ku harsan yihiin kooxihii maxkamadihii Islaamiga iyaga iyo hubkooda, waxeyna adeegsadaan dharka Ciidankeena balse ciidamada dowladdu ay la dagaalami doonaan si loo qabqabto.....
Gen Qeydiid ayaa sheegay “Weli waa joogaan haraadigii maxkamaddaha, hubkoodiina wey heystaan,waxayna badaleen wejigii dagaalka iyagoo weji kale u badalay” wuxuuna intaasi raaciyay “Dad caadi ah ama haraadigii maxkamaddaha ayaa dareeska ciidamada qaatay oo wax walba ku sameynaya, dadkana ku dhaca falal kalena wey dhici kartaa iney ku fuliyaan, kuwo kale oo dareeska gashtay oo siyaasad kula dagaalamaya ayaa jira, dadkiina waxay leeyihiin dowladdii sidaas yeeshay” ayuu yiri Gen. Cabdi Qeybdiid oo shacabka Soomaaliyeed u sheegay in ay kooxahaasi ay qaban doonaan, Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in dhawaan ay ciidamada Booliska u sameyn doonaan aqoonsi lagu garto oo cid kale aan heli karin, ciidamadana ay noqon doonaan kuwo leh astaamo gaar ah, isagoo sheegay in ciidamada Booliska ay kooxaha soo gashta dareeska ciidanka ay xili kasta la dagaalamaan soona qabqabtaan, Taliyaha Booliska ayaa tilmaamay in ay jiraan kooxo gashta dareeska dabadeedna dhac u geysta, isagoo tusaale u soo qaatay dhac shalay galab loo geystay nin dukaanle ah oo laga dhacay 25 Milyan Shillin Somali iyo 1500 Dollarka Mareykanka iyo goobo kale. sidoo kale wuxuu ka hadlay dhacii loo geystay Xarunta xerka Sheekh Aadan Dheere oo sida la sheegay ay ka dambeeyeen Maleeshiyaad uu hogaamiyaayay Ina Shaaweey iyo Ciidamo Ethiopian ah kuwaasoo xarunta ka dhacay 30-milyan oo sh.so. iyo 8 qori oo xerada lagu ilaalin jiray, wuxuuna sheegay in qeyb ka mid ah loo celiyay.
Gen.Qeydiid: Weli Waa Ku Sugan Yihiin Maxkamadaha Muqdisho H
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
Re: Gen.Qeydiid: Weli Waa Ku Sugan Yihiin Maxkamadaha Muqdisho H
Being a member of the TFG in Xamar must be like being a member of Iraqi Parliament in Baghdad.
Unfortunately, there isn't even a Green Zone.
Xamar is not the safest place for TFG members.
Unfortunately, there isn't even a Green Zone.
Xamar is not the safest place for TFG members.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 831 Views
-
Last post by DONKEYMAN
-
- 2 Replies
- 391 Views
-
Last post by zulaika
-
- 2 Replies
- 277 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 1 Replies
- 379 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 38 Replies
- 1816 Views
-
Last post by Kamal35
-
- 9 Replies
- 769 Views
-
Last post by Basra-
-
- 0 Replies
- 383 Views
-
Last post by Aerosmith
-
- 26 Replies
- 1373 Views
-
Last post by original dervish