Kulan Laga Horistaagay Taageeryaasha Gudoomiye Shariif Xasan Ee Beydhabo...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in kulan balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen taageeryaasha Gudoomiyaha Baarlamaanka Mr.Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaasoo isugu jiray, Xildhibaano, Aqoonayahanno odayaal dhaqmeed iyo waxgarad, waxeyna doonayeen iney ka doodaan sidii loo dhisi lahaa Gole ay ku mideysan yihiin, kaasoo lagu waday inuu ka dhaco hotel ku yaala magaalada ayaa la sheegay iney hor isgaateen Maleeshiyaadka Imbagathi,……
Kulankaan oo lagu waday iney ka soo qeyb galaan Xildhibaano, wasiiro, aqoonyahanno, qeybaha kal duwan ee bulshada rayidka, waxaana soo qaban qaabiyay, aqoonyahanno iyo indheergarad oo mudo ku howlanaa sidii xooga saaraan marka ugu horeysa is barasho bulsho weynta dagaalada ku kala irdhowday iyo u kala dab qaadida ama heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, waxeyna gudigaan ku guuleysteen dhowr kiis oo noocaas ah, hadii aysan xalin lahyn dhibaato ah isku dhacyo qabaa'il ama jufo, Kulankaan ayaa la doonayay iney is faham iyo barasho ay dhex marto Xildhibaanada iyo Waxgaradkaan, waxay ka hor soo badhigeen qodobada kulnkaasi looga doodaayo, waxeyna sidoo doonayeen iney howlaha ay wadaan ay ka qeyb qaataan Xildibaanada wixii looga dari karana loogu daro, waxaan u arkaayay howl muhiim ah oo wax tar leh, nasiib daro markii aan nimid madashii waxaan la kulanay wax lama filaan ah oo diidmo ah ama in shirka la qabto sababta ay inoo sheegeen waxay ahayd inaysan ogolayn gobolka laguma qaban karo markaan isku daynay inaan u sharaxno oo ku niri shirkan ma aha shir qaran dumis ah xitaa idinka goob joog ka ahaada way naga diideen, Waxaan xaq u leenahay inaan shacabka koox koox iyo shaqshaqsi ula hadalno wax fiicana ummadda u soo bandhigno"ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Sheekh Cali (Ibraahim Jeebo), wuxuuna sheegay in goobtaasi ay yimaadeen maleeshiyaad hubeysan isla markaasi weydiiyay warqadaha fasaxyada ee Gobolka ama Dowlada markii loo sheegay ineysan heysan ayaa lagu amray iney kala daneystaan,
Kulan Laga Horistaagay Taageeryaasha Gudoomiye Shariif Xasan
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 10 Replies
- 1430 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 205 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 2 Replies
- 557 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 461 Views
-
Last post by pmfaraajo
-
- 0 Replies
- 662 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 466 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 0 Replies
- 266 Views
-
Last post by GalliumerianSlayer
-
- 8 Replies
- 681 Views
-
Last post by original dervish