Taliyaashii Ciidamada Ku Sugan Buulogaduud Oo Diiday Amarkii

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Taliyaashii Ciidamada Ku Sugan Buulogaduud Oo Diiday Amarkii

Post by Hiiraan boy »

Taliyaashii Ciidamada Ku Sugan Buulogaduud Oo Diiday Amarkii Dowladda Iyo Dib U Dhac Ku Yimid Wadohadalladii Dhinacyada Isku Haya Magaalada Kismaayo
May 19,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Wararka lagu kalsoon yahay oo laga helayo masuuliyiin ku sugan magaalada Kismaayo iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegay in lagu amray in Col.Cabdirizaq Afgaduud iyo Aadan Koojaar ay si deg deg ah ku soo galaan magaalada Muqdisho iyaga oo ilaa iyo hadda aan fulin amarkii la siiyey welina ku sugan degaanka Buulogaduud.

Amarkaan ka soo baxay wasiir ku xigeenka gaashaandhigga wasaaradda gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa lagu faray in sarakiisha hogaaminaysay ciidamada ku sugan buulogaduud ay ku wareejiyaan dhamaan ciidamada iyo hubka abaanduulaha guutada 1aad ciidamada dowladda federaalka ee magaalada Kismaayo Col.Muuse Taakooy, iyaguna ay 48 saacadood gudahooda ku soo galaan magaalada Muqdisho.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in markii la soo gaarsiiyey amarkaasi ay saraakiishaasi ay si bareer ah u diideen amarka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga iyo qaar ka mid ah ciidamadii ku sugnaa degaanka Buulogaduud ay rasaas la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo galbinaysay Col.Muuse Taakooy kadib uu dib ugu soo noqday magaalada magaalada Kismaayo sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ka ahaa falkaasi.

Dhinaca kale, saaka ayaa lagu balansanaa inuu furmo shirkii wadahodallo dib u heshiiinta ee kooxda Buulogaduud iyo dhinaca Kismaayo,iyada oo shirkaasi dib u dhaca ku yimid ay salka ku hayso kadib markii ay taliyaashii ciidamada ee hore oo ku sugnaa Buuulgaduud ay diideen amarkii dowladda ee ahaa inay soo galaan magaalada Muqdisho sida uu Gedonet u sheegay afhayeen u hadlay dhinaca ku sugan magaalada Kismaayo.

Ahayeenku waxaa kale uu sheegay inay dib u dhaca shirkaasi oo la xiirta amardiida ay sameeyeen taliyaasha ciidamada ku sugan Buulogaduud, kadib ay xiriir la sameeyeen madax ka tiran dowladda federaalka oo ka mid yahay Raisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ay ka codsadeen inay dowladda federaalka ay goaan rasmi ah ka gaarto arrimaha ka aloosan degaanka Jubbooyinka. Afhayeenku waxaa uu carabka ku dhuftay in uu Raisul Wasaare Cali Maxamed Geedi uu qabsaday muddo 3 cisho ah, sidaa darteed ay rajeynayaan in goaankaasi uu noqdo mid dadka degaankaasi oo dhan.

GEDO-NN-Kismaayo News Desk
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”