Shir La filayo In Casmaro Lagu Qabto

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Shir La filayo In Casmaro Lagu Qabto

Post by Hiiraan boy »

Wararka naga soo gaaraya magaalada Asmara ee dalka Eretereya ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto qabanqaabo balaaran iyo abaabul loogu jiro sidii u qabsoomi lahaa kulan balaaran oo ay ka soo qeyb galayaan ergooyin ka kala socda qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee diidan siyaasadaha guracan ee Mareykanka iyo Ethiopian ay ka wadaan Dalka Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in ergoooyinkaasi oo ka kala socda qeybaha, Siyaasada, Culumaa'udiinka, waxgarad, Xildhibaano, odayaal dhaqameed iyo jaaliyadaha kala duwan ee Soomaalida,
kulankaan oo ah noociisa kii ugu horeeyay ee lagu qabto dalka dibadiisa, ayaa lagu wadaa iney ka soo qeyb galaan in ka badan 500 oo ergo, kuwaasoo lagu wado inta uu shirku socdo iney kaga doodaan sidii meel la iskula dhigi lahaa istraateejiyad iyo barnaajim lagu mideysan yahay oo leh Hogaan, loogana hortago siyaasadaha guracan ee Mareykanka iyo Ethiopia kuwaasoo xasuuq ba'an u geystay shacbiga ku nool magaalada Muqdisho, kadib markii dagaal lagu hoobtay ay ku qaadaan caasimada Soomaaliya,
shirkaan ayaa lagu wadaan in lagu dhiso Urur siyaasadeed ay ku kideysna yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida, waxaana sidoo kale lagu wadaa in maamul mideysan loo sameeyo dhamaan garabyada hubeysan ee kala duwan, shirkaan ayaa mudada uu scodo waxaana loo fadhiyaa iney ka soo baxaan qodobo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin in dilka laga xoreeyo Cadowga xooga ku qabsaday Soomaaliya isla markaasna dhibaatada ku haya Bulshada Caasimada ku nool.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”