Odayaasha Hawiye oo C/llaahi Yuusuf ka dalbaday inuu uga soo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Odayaasha Hawiye oo C/llaahi Yuusuf ka dalbaday inuu uga soo

Post by Hiiraan boy »

Odayaasha Hawiye oo C/llaahi Yuusuf ka dalbaday inuu uga soo jawaabo qoraal ay u gudbiyeen kol hore

Odayaasha beelaha Hawiye ayaa ka dalbaday madaxweynaha dowladda federaalka Col. C/llaahi Yuusuf Axmed inuu uga soo jawaabo warqad qoraal aheyd oo ay u gudbiyeen labo todobaad ka hor kaasoo ay ku qornaayeen illaa 31 qodob.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in kulan ay shalay isugu yimaadeen odayaashoodu ay ka soo saareen qodobo u badan sidii ay dowladda wax uga qaban laheyd amni darada sii baaheysa ee ka jirta caasimadda, isagoo sidoo kalena sheegay inay madaxweyne Yuusuf ka codsadeen inuu uga soo jawaabo qoraal ay horey ugu dubiyeen odayaashu oo ka tarjumaya aragtida odayaashaasi iyo xalka Soomaaliya.

Nabadoonka ayaa sheegay in 4 qodob ay soo saareen kuwaasoo kala ahaa:-

1)- Dowladda waxaan ka codsaneynaa inay wax ka qabato cabashada dadka ku dhaqan Huriwaa oo lagu soo rogay Bandow, aan la cayimin xilliga la qaadayo.

2)- Dowladda, waxaan ka codsaneynaa inay ciidamo nabadda si sax ah u suga ay u yeesho suuqa Bakaaraha oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka jiraan falal dhac iyo boob ah oo ay ku kacayeen dad xiran dareyska dowladad

3)- Waxaan cambaareyneynaa qaraxyada u badan Miinooyinka oo lagu aaso dhulka, kuwaasoo waxyeelo u geysta shacab aan waxba galabsan

4)- Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha inuu nooga soo jawaabo warqadii aan horey ugu gudbinay


Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com
User avatar
COSTA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13754
Joined: Fri Jun 25, 2004 7:00 pm
Location: (Sapo)= Min arbetsgivare

Re: Odayaasha Hawiye oo C/llaahi Yuusuf ka dalbaday inuu uga soo

Post by COSTA »

calaacal.com Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”