BREAKING NEWS another bomb explosion in wadada Carafaat
Posted: Sun May 20, 2007 6:05 am
Qarax xoogan oo ka dhacay wadada Carafaat ee Muqdisho
Click here to find shabelle news in english
Mogadishu 20, May.07 ( Sh.M.Network) Labo ruux ayaa ku dhaawacmay qarax xoogan oo gil gilay wadada Carafaat ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaan uu yahay kii labaad ee maanta ka dhaca caasimadda Somalia.
Qaraxaan oo dhacay abaarihii 1:15 daqiiqo ayaa waxa uu ahaa Miino laga hago remote Ctrl oo lala beegsaday gawaari dagaal oo ay wateen ciidamada dowladda oo marayay halkaasi sida uu shabelle u sheegay Goobjooge la yiraahdo C/qani Xasan oo shabelle u waramay.
Labada ruux ee dhaawaca uu soo gaaray ayaa waxa ay ahaayeen dad rayid ah oo marayay wadada, iyadoo wali aan la garaneyn qasaarihii gaaray ciidamada dowladda kMG ah.
Ilaa iyo wali lama oga kooxaha ka dambeeya qaraxaan oo ahaa mid si weyn looga maqlay sawaxankiisa magaalada Muqdisho.
Waa qarixii labaad ee ka dhaca caasimadda Somalia, iyadoo saakay qarax ka dhacay wadada Siisii ee W/Muqdisho uu ka badbaaday Gudoomiyaha gobolka Banadir Max'ed Dheere iyo kolonyadii la socotey.
Wixii ku soo kordha kala soco shabelle.net

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net