Madaxda Maleeshiyada Imbagathi Ee Kismaayo Oo Diiday Amarka
Posted: Sun May 20, 2007 12:16 pm
Madaxda Maleeshiyada Imbagathi Ee Kismaayo Oo Diiday Amarka Salaad Cali Jelle...
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in dhowaan wareegto uu soo saaray Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashandhiiga Mr.Salaad Cali Jelle kaasoo ku amray Col.Cabdirisaaq Afguduud iyo Col.Aadan Goojaar kuwaasoo ku sugan degaanka buulo guduud, iney si deg deg ah ku soo galaan magaalada Muqdisho, isla markaasna xilalka iyo Maleeshiyaadka ay ku wareejiyaan Col. Muuse Taakoy oo ka tirsan Saraakiisha Maleeshiyada Dowlada Imbagathi ee ku sugan magaalada Kismaayo....
Warar xogogaalka ah ayaa sheegaya in wareegtadaani oo dhowaan gacanta laga geliyay Saraakiishaan ayaa la sheegay iney ka dhego adeygeen amarkaasi, waxeyna si hoose ula xiriireen xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaasoo looga sheegay iney halkooda sii joogaan isla markaasna aysan wareejinin Maleeshiyaadka iyo hubka ay mas'uulka ka yihiin, waxaana loo sheegay iney hoose tagaan Maamul Goboleedka Puntland iyo kan Col.C/laahi Yuusuf, wararka ayaa intaasi raacinaaya in Col.Muuse Taakooy oo madaxa ka ah Maleeshiyaadka ku sugan magaalada Kismaayo uu shalay soo gaaray degaanka Buulo guduud si uu ula wareego Maleeshiyada iyo Hubka, naasib darro waxaana la sheegay in Col.Afguduud uu amar ku siiyay Maleeshiyaadka Puntland iney rasaaaseeyaan Sarkaalka iyo ilaaladiisa, inkastoo aan wax dhibaato ah soo gaarin, wuxuuna dib ugu noqday magaalada Kismaayo, dhanka kale Maleeshiyaad iyo gaadiid dagaal oo ka soo ambabaxay magaalada Baardheere ayaa la sheegay in soo gaareen degmada Saakow, waxaana lagu wadaa iney ka soo talaabaan buundada Bu'aale, sidoo kale waan waantii laga dhex waday ayaa la sheegay laba dhinac ayaa la sheegay inuu hakad ku yimid kadib markii uu muddo 3 maalmood ah uu qabsaday Prof.Geedi si uu u xaliyo amardiidadaan ay sameeyeen Saraakiisha Puntland laga keenay.