Maammulka Hobyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug oo horumar ga

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Maammulka Hobyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug oo horumar ga

Post by Karbaash_killa »

Maammulka gobolka Hobyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug oo horumarweyn ku tillaabsaday kuna guulaysatay habsami-u-hirgalinta hawlihii loo doortay.


--------------------------------------------------------------------------------

--------------------------------------------------------------------------------

Guddoomiyaha gobolka Hobyo G/Sare Max'ed Axmed Caalin ayaa muddooyinkanba ku guda-jiray hirgalinta hawlihii maammulka gobolka xeebta ah ee Hobyo, oo ka tirsan Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee GalMudug.



Guddoomiye Caalin oo ku Qaxweysanaaya Baar ka mid Baararka Magaalada Taariikhiga ah ee Hobyo Godan -
Colonel CaalinMuduGnet.com

Mudane Caalin, oo dhawrkii bilood ee ugu dambaysay ku sugnaa xaruntiisa magaalada Hobyo, oo 245 km dhanka Bari ka xigta magaalada Gaalkacyo, ayaa har iyo habaynba waxa uu ku hawllan yahay gudashada waajibaadkiisa kala gaddisan. waxaana hawlaha muhiimkaa ee uu qabtay illaa iyo haddda ka mid ah hir-galinta Qaybihii kala duwanaa ee maammulka magaalo-madaxda gobolka Hobyo.

Guddoomiyaha Gobolka Hobyo mudane Max’ed Axmed Caalin ayaa dhamays-tiray dhismihii qaybihii iyo waaxyihii maammulka. Waxaana si habsami-leh ugu soo noqday magaalada hobyo Amnigii iyo kala-dambayntii. Ka dib markii uu maammulka gobolku uu diyaariyay hawl-galiyayna Ciidammadii Booliska gobolka Hobyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug. Waxaana si firfircoon magaalada Hobyo uga socoto Canshuur-Uruurinta Dawlad-goboleedka GalMudug.



DUGSIGA HOOSE DHEXE EE HOBYO MUDUGNET.COM



Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Hobyo mudane Max’ed Axmed Caalin, waxa uu shirar kala duwan la yeeshay wax-garad iyo odayaal ka kala tirsan beelaha SACAD, SALEEBAAN, SHIIKHAAL iyo beesha Bad-leyda ah ee JAAJI. Wuxuuna guddoomiyuhu kala hadlay Nabad-galyada, Daris-wanaagga iyo wax-wada-qabsiga beelaha. Taasoo uu ku nuuxnuuxsaday in siyaasadda GalMudug ay ku salaysantahay.



Hobyo General Hospital



C/Naasir C/Laahi Cabdi (Shuuke Xogollof) oo madax ka ah urur Samo-fal ah oo lagu magacaabo SOSDA (Somali Society Development Association), kana tirsanaa wafti ballaaran oo guddoomiyaha gobolka Hobyo Col. Caalin ka raacay magaalada Gaalkacyo markii uu ka tagay, ayaa iiga warbixiyay hawlaha kala duwan ee uu wado maammulka gobolka Hobyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug. Wuxuuna ii sheegay mudane Shuuke in guddoomiye Max’ed Axmed Caalin uu xoogga saaray soo-noolaynta adeegyada muhiimka ah ee bulshada. Isagoo ugu horrayntiiba gacanta maaammulka ku soo celiyay xarumihii maammulka iyo goobihii adeegyada bulshada oo muddo dheer ay xaafado ahaan u degganaayeen dad shacab ah.



Madaxa ururka Samafalka SOSDA Shuuke Xogolof oo Deeq Buugaag ah Gudoonsiinaaya Gudoomiye Caalin



Guddoomiyaha gobolka Hobyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug G/Sare Max’ed Axmed Caali, oo gacan ka helaya bulshada ku nool magaalada Hobyo, ayaa billaabay abaabbulo dib loogu furayo xarumaha muhiimkaa ee adeegyada bulshada ee horay u xrnaa. Sida Isbitaalkii iyo Dugsigii H/Dhexe ee magaalada Hobyo. Ayadoo lagu guulaystay illaa iyo hadda furitaanka Dugsiga H/Dhexe ee magaalada Hobyo. Waxaana si rasmi ah xarigga looga jaray Dugsiga H/Dhexe ee magaalada Hobyo. Waxaana xusid mudan in aqabka waxbarashada aas-aasigaa sida;buugaag, tabaashiir, iwm ay ugu deeqeen Dugsiga H/Dhexe ee magaalada Hobyo Ururrada Waddanigaa ee kala ah SOSDA iyo SDRO. Waxaa kale oo jirta in macalliinta ka shaqaynaysa Dugsiga H/Dhexe ee magaalada Hobyo ay yihiin kuwo ku shaqaynaya si mutaddawacnimo ah.

Guddomiye Caalin oo Kormeeraya Dugsiga Hoose/Dhexe ee Hobyo


Waxaa kale oo dib loo furay isbitaalkii magaalada Hobyo, oo isna in badan xirnaa. Waxaana lagu sameeyay dib u habayn. Inkastoo isbitaalka Hobyo uu u baahanyahay dayac-tir, Daawooyin, Qalab caafimaad, iwm. Kuwaasoo maammulka gobolka Hobyo uusan awood dhaqaale haynin.

Waxaa kale oo la diyaar u ah inay hawl-gaan hay'adihii maammulka ee dhammaan degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka hobyo. Waxaana la filayaa inay mar dhaw degmooyinkaas ka billaabato Canshuur-uruurinta gobolka Hobyo ee Dawlad-Goboleedka GalMudug.



Dayactir xoog leh oo ka socda Dugsiga Hoose/Dhexe ee Hobyo oo ay iskaa wax u qabso ku fulinayaan Dadka Deegaanka

Waxaa xusud mudan, shacabka gobolka Hobyo oo si weyn u garab istaagay maammulkooda. Waxxayna reer Hobyo si mutaddawacnimo ah uga qayb-qaateen olole ballaaran oo nadaafadeed oo lagu soo celinayay bilicdii iyo quruxdii ay lahaan jirtay magaalada qaddiimkaa ee Hobyo-godan. Waxayna ka faa’iidaysanayaan dadka gobolka Hobyo ee GalMudug State nasiibkooda wanaagsan oo ah inay heleen hoggaaamiye wanaagsan oo ah G/Sare Max’ed Axmed Caalin, guddoomiyaha Gobolka Hobyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug.



MudugNet.com



Dhanka kale, Nabad-doon C/Laahi Max’ed Ducaale ( Claahi Fayf), oo ka tisan golaha Guuurtiga Dawlad-goboleedka GalMudug, oo reer Hobyo ah, dhawaanna ka soo laabtay magaalada Hobyo, kana tirsanaa waftigii ballaarnaa ee uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Hobyo mudane Max’ed Axmed Caalin, ayaa waxa uu ii sheegay war fiican. Wuxuuna Nabadodoon C/Laahi Fayf ii sheegay inay magaalada Hobyo ugu yimaaddeen odayaal iyo wax-garad kale oo ka tirsan beesha SALEEBAAN. Wuxuuna nabad-doon C/Laahi Fayf intaas ku daray in waftiga reer XAAJI SALEEBAAN ay u sheegeen inay rabaan inay ka mid noqdaan Dawlad-Goboleedka GalMudug. “ Waan soo dhaweynnay talada ay soo jeediyeen Walaheen SALEEBAAN inay ka mid noqdan Dawlad-goboleedka GalMudug. Waxayna noo sheegeen odayaashii SALEEBAAN inay shir ugu yeerayaan magaalada Xarar-dheere beelaha SARUUR, CARY BARI iyo WACAYSLE ee degmada Xarar-dheere wax ka daga. Shirkaasna ay ugu soo bandhi doonaan in iyaga iyo beelahaasiba ay ku soo biiraan maammulka Dawlad-goboleedka GalMudug” ayuu yiri nabad-doon Claahi Fayf, oo rajo wanaagsan ka muujiyay in ugu yaraan beesha SALEEBAAN (Obokor) ay ku soo biiri doonaan Dawlad-goboleedka GalMudug.

Gudoomiye Caalin oo shir kula Yeeshay Xafiiska Guddmiyaha Degmada Hobyo, guddiga Maamulka Gobolka Hobyo

Calideeq Max’ed Xaashi.

nabadda1@hotmail.com

Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Mudug”