Isbahaysiga Mataanaha Mudug oo uu madax u yahay Col. C/lahi Yusuf kuxigeena Jan. Cabdi Qaybdid ayaa u muuqda mid sii burburaya kadib markii beesha Sacad ee uu kasoo jeedo Jan. Qaybdid ay ka soo gaartay waxyeelo wayn ugaarsiga iyo xariga ay ka wadaan Muqdisho taageerayaasha Col. C/lahi Yusuf. Ilaa iyo hada 45 xubnood oo ay ku jiraan aqoon yahano iyo ilmo ay dhaleen rag magac leh oo kasoo jeeda beesha Sacad ayaa ku xirxiran xarunta Villa Somaliya oo mar ay gacanta ku haysay beesha Sacad. Liibaan Tahliil Warsame oo ka yimid dalka Canada ayaa ugu dambeeyay dadka lagu xiray Villa Somaliya.
Liibaan waxa dhalay nabadoon Tahliil Warsame oo Muqdisho si fiican looga yaqaano, wuxuna kasoo jeedaa Jufo si wayn u taageertay Col. C/lahi Yusuf markii uu Muqdisho yimid. Waxaa lagu guul daraystay isku dayo la doonayay in lagu soo daayo Liibaan Tahlil. Lama garan karo sababta loo xiray Liibaan, waxana la isla dhex marayaa warar badan oo sababay xarigiisa. Haddii ay sii socoto xariga iyo ugaarsiga lagu hayo mid ka mid ah isbahaysiga ka kooban labadaas beelood, waxa la filayaa inuu burburo heshiiska isbahaysigaas. Waxana lala yaaban yahay aargoosiga iyo ugaarsiga ay ka wadaan Muqdisho beesha uu kasoo jeedo Col. C/lahi Yusuf oo la filayay inay iyagu bilaabaan is cafin iyo cadaalad laga dhex sameeyo beelaha Somaliya, balse hada ku dhaqmaya dhaqankii USC ee 1991. Beesha Sacad oo si wayn ugu qanacday jagada la siiyay Jan. Qaybdid ayaan la garanayn waxa ay ka samayn doonto xariga aqoon yahankeeda lagu hayo.
Isbahaysiga Mataanaha Mudug Oo Burbur Qarka U Saaran.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 262 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 9 Replies
- 492 Views
-
Last post by COSTA
-
- 0 Replies
- 347 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 9 Replies
- 1012 Views
-
Last post by Slick44
-
- 5 Replies
- 478 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 1 Replies
- 407 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 24 Replies
- 1108 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 0 Replies
- 286 Views
-
Last post by Hiiraan boy