Somaliland's Former Defence minister Joins UCID Party

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Somaliland's Former Defence minister Joins UCID Party

Post by LiQaaye_TDH »

Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Somaliland, mudane Aadan Mire Waqaf ayaa la filayaa berrito inuu ku dhawaaqo inuu ka baxay xisbiga talada haya ee UDUB, waxayna wararku sheegayaan inuu ku biirayo xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Mudane Waqaf waxa uu ka mid ahaa musharraxiinta xisbiga UDUB uga soo baxay magaalada Burco doorashadii Golayaasha Deegaanka, wakhtigaas oo uu ahaa maayorka magaalada Burco, balse waxa uu golaha Deegaanka iska casiley markii ay uu waayey maayornimada oo uu filayey inuu ku guuleysan doono. Waxana uu ku biiray xukuumadda, isagoo noqday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Mudane Wafaq, waxa Madaxweyne Riyaale si cadho leh xilka uga qaaday badhtamihii April isagoo ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, kadib markii Madaxweyne Riyaale ku eedeeyey inuu ciidanka qaranka ka soo saaray degmada Dhahar oo uu dagaal ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland, isla markaana uu bixiyey awaamiir khaldan oo khalkhal abuuray.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, mudane Waqaf waxa la sheegay in ku biiristiisa xisbiga UCID oo la filayo berrito in xaflad loo sameeyo ay ku wehelin doonaan xubno kale oo sida la sheegay uu ka mid yahay Muj. Jidhif oo ka mid ahaa saraakiishii SNM.

Ku biirista Waqaf iyo xubnaha kale ee la sheegay waxay ku soo beegantay iyadoo ay dalka ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo la filayo in loogu diyaargaroobayo ololaha doorashooyinka deegaanka iyo Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacaan dabayaaqada sannadkan iyo horraanta sannadka soo socda.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Somaliland's Former Defence minister Joins UCID Party

Post by LiQaaye_TDH »

And the New Defence Minister takes over the important role today...

Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga, mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim ayaa maanta xilkii wasaaraddaas kala wareegey Wasiirkuxigeenka wasaaraddaas, mudane Axmed Maxamed Filanwaa.

Xafladda xilwareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta Wasaaraddaas iyo saraakiil sarsare oo ka socdey Taliska Guud ee Ciidanka.

Wasiirka cusub ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey waxa uu ku tilmaamay xilka wasaaradda mid culus, kaas oo uu sheegay inuu u baahan yahay inay la wadaagaan masuuliyiinta kale ee wasaaraddu.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, mudane Aadan Waqaf ayaa Madaxweyne Riyaale si kedis ah xilka uga qaaday, maalin kadib markii ciidamada Somaliland oo uu hoggaaminayey iyo kuwa maamulgoboleedka Puntland uu dagaal ku dhexmaray degmada Dhahar ee Bariga Somaliland. Waxaana la rumaysan yahay in eriga mudane Waqaf iyo fadeexaddii Dhaharba ay qayb ka ahayd khilaaf u dhexeeyey Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka.

Wasiirkii ka horreeyey mudane Waqaf, mudane Cumar Aadan Boos ayaa isagana waxa xilka laga qaaday markii ay isku dhaceen Taliyaha Ciidanka Qaranka, Nuux Taani oo ay isku maandhaafeen baadhitaan hantidhawr oo uu Wasiirku u diray Taliska Guud.

Labadaa wasiir ee horeba waxay sheegeen in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay tahay magac uun, balse xilkeedii iyo muhiimaddeediiba ay jirto Taliska Guud ee Milateriga oo ka madax bannaan Wasaaradda.

Wasiirka cusub oo ah nin dhallinyaro ah oo ka yimi dalka Ingiriiska ayaa laga yaabaa isaguna in aanu ka badbaadin caqabadahaas.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland's Former Defence minister Joins UCID Party

Post by The_Emperior5 »

ururka ciidangalle eeh isbahaysiiga dummiyaa aka ucid



its the same as udub
User avatar
Libah86
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3544
Joined: Mon Feb 14, 2005 8:18 am
Location: in DE WILD PLAINS OF AFRICA WHERE DE LIONS ROAM FREE

Re: Somaliland's Former Defence minister Joins UCID Party

Post by Libah86 »

^^

horta maxu yahay calankan aad wadatiid
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Re: Somaliland's Former Defence minister Joins UCID Party

Post by fagash_killer »

good join the loser group
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”