BEENIN WAR KU SOO BAXAY WEB-SITEKA WAAGACUSUB
Posted: Tue May 22, 2007 4:32 am
KAAH EXPRESS .
Ref : 2548/N/2007
Date : 21/05/07
BAYAAN KA SOO BAXAY SHIRKADDA KAAH EXPRESS
UJEEDDO: BEENIN WAR KU SOO BAXAY WEB-SITEKA WAAGA CUSUB
Waxaan caddaynaynaa in warka lagu qoray websiteka Waaga cusub taariikhdu markay ahayd 21/05/07 kuna saabsanaa in shirkadda Kaah Express ay lacag nus milyan dollar ah ugu deeqday madaxwayne C/laahi Yuusuf ayna haba yaraate waxba ka jirin sal iyo raad midnana uuna lahayn. Shirkadda Kaah Express waxay umadda Soomaaliyeed Ku taqaannaa inay tahay shirkad ganacsi oo aan haba yaraatee wax siyaasad ah lug ku lahayn. Waxaan u aragnaa in warkani yahay mid xumaan looga jeedo oo tashuush lagu galinayo shaqada nadiifta ah ee ay Kaah Express ku tilmaamantahay. Waxaan umadda Soomaaliyeed ku baraarujinaynaa in laga digtoonaado websiyeda kuwan oo kale ah ee dambiga ka galaya bulshada noocyadeeda kala duwan isla markaasna aan istihaalinin inay sheegtaan magaca saxaafadeed. Shirkadda Kaah Express waxay xaq u leedahay inay iska difaacdo wax kasta oo magaceeda iyo sharafteeda meel kaga dhacaya ama been abuur ku ah iskuna difaacdo waddo kasta oo ay heli karto. Dadka waxan oo kale qoraya ma istaahilaan in loo jawaabo waxaanse u jawaabaynaa umadda Soomaaliyeed ee arrimahan oo kale lagu jahawareerinayo.
Wabillaahi Towfiiq
Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha ee Shirkadda Kaah Express
NBI