American Troops in Dhoobley and Xaarxaar
Posted: Tue May 22, 2007 9:21 am
Ciidamo Mareykan ah oo maanta lagu arkay Dhoobley iyo Xaarxaar
Posted to the Web May 22, 15:38
Dhoobley:-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhoobley ee xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku soo waramaya in maanta lagu arkay Ciidamo Mareykan ah iyada oo maanta ay diyaarado dul heehaabayaan Libooya.
Ciidamadan ayaa waxay soo dhoobteen xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan Xaarxaar waxaana si cad loogu jeedaa diyaaradaha AC-130 iyo kuwa wax basaasa oo dul meeraysanaya xadka Soomaaliya iyo Kenya
Ilaa iyo shalay ayaa waxaa aad u socda dhaqdhaqaaq ay wadaan Ciidanka Mareykanka waxaana ay arinkaas cabsi galisay dadka ku dhaqan xadka Soomaaliya iyo Kenya oo ka baqanaya in ay diyaaradaha Mareykanka u geystaan Duqayn.
Waxaa la wada ogsoon yahay in Ciidanka Mareykanka uu si weyn uga qeyb qaatay dagaalkii lagu qaaday MMI isaga oo diyaarado iyo gantaalo ku duqeeyey fariisimo ay leeyihiin ciidanka Midawga Maxaakimta Islaamiga.
A/Cawale
Halgan.net