Page 1 of 1

Is-Rasaaseyn Xoogan Oo Dhex Martay Maleeshiyaadka Imbagathi.

Posted: Wed May 23, 2007 5:59 am
by Hiiraan boy
Wararka naga soo gaaraya Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor sii horeysay ay is-rasaaseyn xoogan ay dhex martay laba maleeshiyo oo ka wada tirsan maamulka Imbagathi, kuwaasoo la sheegay iney kala shakiyeen, waxeyna israsaaseyntaasi socotay muddo kooban...
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu kala gaaray khasaare labada maleeshiyo ee Imbagathi, lamana yaqaano inta uu la eg yahay khasaarahaasi iyo dhaawacyada ka dhashay is-rasaaseyntaasi, Isgoyska KM-4 ayaa fariisiin waxey u tahay Ciidamada Yugandheeska oo lagu xoojiyay Maleeshiyaadka Imbagathi, waxey goobtaasi ka ilaaliyaan isku socodka gaadiidka Garoonka diyaaradaha iyo magaalada, waxaana halkaais ku dhow oo degan hotelka Ambasador xubno ka tirsan Wasiirada Imbagathi, wararkeena dambe kala socda wixii ku soo kordha is-rasaaseyntaasi.