Ma dhabaa in Xaaji Muuse Suudi uu safar qarsoodi ah kaga amb

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Ma dhabaa in Xaaji Muuse Suudi uu safar qarsoodi ah kaga amb

Post by Hiiraan boy »

Warar shalay gelinkii dambe ay heshay Shabakada Jowhar.com ayaa sheegayay in Xildhibaan Xaaji Muuse Suudi Yalaxow uu safar qarsoodi ah kaga ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Warkan oo aanu ka helnay ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xaaji Muuse Suudi ay diyaarad qaas ahi ka qaaday Garoonka Mac malka ah ee Cisaley oo ku yaal Duleedka Magaalada Muqdisho.

Ma cadda ilaa iyo hada tagitaanka Xaajiga uu kaga tagay Magaalada Muqdisho iyo halka uu u baqoolay, laakiin wararka la helayo ayaa ah mid ilaa iyo hada wali la xaqiijin karin.

Degmada Kaaraan oo uu Xaajigu fariisin ku lahaa ayaa laga hadal hayaa warkan sheegaya in Xaajiga uu ka duulay Garoonka Diyaaradaha Cisaley oo xirmay mudadii ay Maxaakimtu dagaalka kula jireen Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada.

Xildhibaanka ayaa maalmihii u dambeeyay muujinayay sida uusan ugu qanacsaneyn Siyaasada Dowladda Federaalka, isagoo saxaafada aan ka hadlin.

Muuse Suudi ayaa dhaliilsanaa Qaabka Dowladda Federaalka u maareysay Arrinta Gobolka Banaadir, ee ku aadanaa Maamul u sameynta Gobolka oo loo dhiibay Maxamed Dheere.

Xaajiga ma aheyn shaqsi xiriir wanaagsan la lahaa Dowladda Ethiopia, balse waxa uu taageersanaa howl galka Ethiopia ka waday Soomaaliya, kaasoo ay ku wiiqday Awoodii Maxkamadihii islaamiga ee isaga ka eryay Magaalada Muqdisho.

Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd Markii Xaaji Muuse iyo Bashiir Raage oo ka wada tirsanaa Isbaheysigii La dagaalanka Argagixisada ay Doon ka qaaday Xeebta Liido, iyagoo markii dambena dalka isaga tagay, Xaajiga waxa uu ku sugnaa Mudada Maxkamadaha dalka ka talinayeen dalka Maleysia.

Xaaji Muuse Suudi yalaxow oo ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya ee awoodooda hore loo wiiqay ayaa Dalka ku soo laabtay Bishii Janaayo ee sanadkan, kadib markii Maxkamadaha laga saaray Magaalada Muqdisho, isagoo si toosna kaga soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”