Ciidamo daacad u ahaa Afguduud oo u baxsaday dhinaca Moqadis
Posted: Wed May 23, 2007 6:17 am
Ilaa iyo 45 askari iyo saraakiil sar-sare oo ku hubysan 4 baabuur oo nooca loo yaqaano teknikada iyo hub fud-fudud ayaa ka baxsaday ciidankii ku sugnaa tuulada Buulo Guduud. Ciidankaan gadooday ayaa lagu soo waramayaa inay ahaayeen ciidan daacad u ahaa Col Afgaduud.
Ciidankaas oo walaac ka muujiyey dib u hantinta magaalada Kismaayo ayaa si caro leh ula baxsaday gaadiid dagaal, una ambabaxay dhinaca Moqadisho, ka dib markii xilkii laga xayuubshay Afguduud isagoo lagu eedeeyey inuu sabab u yahay qul-quladaha xalka loo waayey ee Kismaayo
Col Afgaduud oo isagana looga yeeray magaalada Baydhabo ayaanan la ogayn inuu u ambabixi doono Baydhabo, maadaama ciidamadii daacadda u ahaa ay garab mareen amarkii Madaxweyne C/laahi Yusuf ee ahaa inay iska soo xaadiriyaan Baydhabo.
Col Afgaduud oo sameeyey isku day badan, si Kismaayo gacantiisa ay ugu soo noqoto ayaanan ku guul daraystay ka dib markuu ka war helay in Kismaayo ay ku sugan yihiin ciidan aad u hubaysan oo in Amxaaro loo kaxaysto mooyee aan loo babac dhigi karin.
Ciidankaas baxsaday ayaa la filayaa in waaberigii ay ku soo aadan yihiin magaalada Moqadisho, lamana garanayo inay ku sii nagaadi doonaan ama uga sii ambabixi doonaan Puntland.
Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa iska fogeeyey inuu wax lug ah ku leeyahay xaaladda Kismaayo, loona baahan yahay in si taxadar leh looga fiirsado xal ka gaarideeda