Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in xaaladda Soomaaliya aan l

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in xaaladda Soomaaliya aan l

Post by Hiiraan boy »

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in xaaladda Soomaaliya aan lagu xalin karin hab milateri.

May-23-2007-HornAfrik, Mogadishu

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha dalalka ku jira ururka COMESA
ee ku shirsan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya in ay xoogga saaraan sidii xal loogu heli lahaa dhibataada ka taagan dalka Soomaaliya .

Mr Geeelle uu qudbad ka jeediyay kulankaasi ayaa u sheegay dalalkaasi ku bohoobay suuqa wada jirka ee dalalka bariga iyo koonfurta qaarada africa in ay muhiim tahay in la bilaabo wadahadalo dhab ah iyo dhismaha dalka Soomaliya .

Madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu sheegay in xaalada Soomaaliya iyo deganaasha yar ee ka jira iyo jiritaanka weerarada lagu qaado ciidamada Midowga Africa ay dalalka Comesa tusinayaan muhiimada ay leedahay hindisaha ah in la qabto wadahadalo si lo xoojiyo nabada Soomaaliya .

Mr Geelle waxa uu ku booriyay dhinacayada isku haya Soomaaliya in ay is xakameeyaan isla markaana wax waliba ay wadahadal ku dhameeyaan .

Hogaamiyaha Jabuuti waxa uu ku adkeeyay ururka Comesa in ay u istaagaan xalinta dhibaatada Soomaaliya si ay u soo roowdo u istaagida dhismaha dalkaasi iyo maalgilintiisaba .

Madaxweyne Geelle oo ka qeyb galayay kulanka ururkaasi uga socday Nayroobi ayaa ku baaqay qorshe deg deg ah in la qaado oo lagu tageerayo Soomaaliya si howsha siyaasadeed u guuleysato .

Waxa uuna shegay Geelle in arinta Soomaaliya aan lagu xalin karin qaab milateri .
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”