Qarax xoogan oo xalay lala beegsaday saldhigga deg. Heliwaa

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Qarax xoogan oo xalay lala beegsaday saldhigga deg. Heliwaa

Post by Hiiraan boy »

Qarax xoogan oo xalay lala beegsaday saldhigga deg. Heliwaa

Click here to find shabelle news in english

Mogadishu 24, May.07 ( Sh.M.Network) Hal qof ayaa ku geeriyooday tiro ku dhow 5 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Qarax xoogan oo xalay ka dhacay agagaarka saldhigga booliska ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa markii uu dhacay ka dib ay rasaas xoogan fureen ciidamada dowladda, xilli Bandow uu saaran yahay degmadaasi.

Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ruxay agagaarka saldhigga degmada Heliwaa, waxaana dhibaato xoogan ay ka soo gaartay dadka rayidka ah ee ku sugan deegaankaasi.

Qofka geeriyooday oo ahaa dadka deegaanka ayaa la sheegay in meydkiisa lagu arkay aagga ay wax ka dhaceen, iyadoo madaxa ay rasaas kaga taallo, halka 5ta ruux ee dhaawaca uu soo gaaray 3 ka mid ah ay dhaawacyadoodu halis yihiin sida ay ku warameen goobjoogayaal la soo xiriirey shabelle.

Qaraxaan oo dhacay fiidnimadii xalay ayaa waxaa la sheegay in lagu dhuftey meel aan ka fogeyn saldhigga booliska degmada Heliwaa sida uu shabelle u sheegay mid ka mid ah ciidamada booliska oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Lama oga qasaaraha ka soo gaaray ciidamada booliska qaraxaasi, iyadoo markii qaraxa uu dhacay ka dib ciidamada dowladda ay fureen rasaas xoogan, waxaana ay baaritaano ka sameeyeen halkaasi, iyadoo ilaa 20 ruux ay u soo qabqabteen qaraxaasi.

Waxaa saakay xiran wadooyinka gala saldhigga degmada heliwaa, iyadoo dadka iyo gaadiidka aan loo ogoleyn in ay maraan halkaasi.

Qaraxaan ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad oo halkaasi lala beegsado, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli bandoow uu saaran yahay degmada Heliwaa ka bilaabanaya 6da maqribinimo kuna eg 6da subaxnimo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”