BREAKING NEWS xogaga kacdoonka kismaayo attacks bulogaduud
Posted: Thu May 24, 2007 2:42 am
Malayshiyaad Kismaayo xooga gacanta ku haya oo weeraray Ciidamada Dowlada ee ku sugan Buulo Guduud.
Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Malayshiyaadka gacanta ku haya magaalada Kismaayo ay saaka weerar ku qaadeen Ciidamada dowlada ee Buulo guduud.
Weerarkaan ayaa la sheegayaa inuu dhacay saaka abaarihii 11:00Pm,lamina sheegin ilaa hadda wax khasaare ah oo uu gaystay,iyadoo ay wararku intaas ku darayaan in malayshiyaadkani ay weerarka soo qaadeen ka dib markii ay heleen warar sheegaya in ciidamo fara badan oo Dowlada ka socdaa ay weerar kusoo yihiin.
Malayshiyaadkan gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay magaalada ka qabsadeen Ciidamada Dowlada oo horay gacanta ugu hayey,waxayna wararku intaas ku darayaan in malayshiyaadkani ay taageero xoogan ka helaan ciidamo horay dowlada u tageeri jiray iyo waliba Wasiirkii hore ee Difaaca Barre Aden Shire.
Dagaaladan ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay 42ruux,in ka badana way ku dhaawacmeen,walina wax xal ah lagama gaarin,dadkaas oo qaar lagala baxay isbitaalkii la geeyey iyadoo dhaawac ahaa.
Dowlada ayaa iyaduna dhowr jeer isku dayday inay magaalada kusoo celiso maamulkii ay horay ugu magacawday oo ay malayshiyaadkani kala cayrsheen,laakiin guul darro ayey intuba kusoo dhamaadeen kuligood.
Waayaha.net
waayahanet@hotmail.com