Ethiopia oo Beenisay, Inay Keenayso Caasho Bijo (Hargeisa)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Ethiopia oo Beenisay, Inay Keenayso Caasho Bijo (Hargeisa)

Post by LiQaaye_TDH »

ddis-Ababa(Geeska)- Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beenisay jiritaanka nin diblomaasi ah oo la sheegay inuu u dhashay wadankooda, kaas oo dhawaan laga soo xigtay in Itoobiya Cabdillaahi Yuusuf keeni doonto magaalada Hargeysa.
Diblomaasigaas oo magaciisa lagu sheegay Ato Gebide Haile waxa qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland dhawaan baahiyeen inuu Janaalka Wararka ee Fox News u sheegay in Itoobiya keeni doonto Cabdillaahi Yuusuf magaalada Hargeysa. Hase yeeshe ilo diblomaasiyadeed oo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Wasiirka khaarajiga Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo madaxweyne Rayaale u xilsaaray inuu dhiggiisa Itoobiya kala soo hadlo waxa ka jira warkaas¸ loo sheegay in magaca diblomaasigaasi aanu ku jirin liiska diblomaasiyiinta xukuumadda Itoobiya ee dibad iyo gudaba ka hawlgala.

Ilahaas diblomaasiyadeed waxa ay tibaaxeen in Itoobiya Wasiir Cabdillaahi Maxamed Ducaale ku qancisay inaanu ninkaasi ku jirin magacyada diblomaasiyiinta dawladda Itoobiya, ka dib markii ay tuseen magacyada liiska diblomaasiyiintooda.

Diblomaasi u dhashay wadanka Itoobiya oo uu maalmo ka hor weriye ka tirsan Geeska Afrika, kula sheekaystay magaalada Addis-Ababa, ayaa warkaas ku tilmaamay mid dacaayad ah oo lagu waxyeelaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Waxa uu diblomaasigani ayaan darro ku tilmaamay in reer Somaliland si fudud u rumaysan karaan dacaayadaha lagu waxyeelaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, “Xilliga warkaas aad sheegaysaa uu soo baxay waxa dalka Maraykanka joogay Wasiirka Khaarajiga ee Itoobiya, oo dunida uga war bixinayay arrinta Muqdisho iyo hawlaha Itoobiya ka wado, sidaas daraadeed warkaasi waxa uu ahaa mid lagu dacaayadaynayay ololaha diblomaasiyadeed ee Wasiirkayaga, waanan ka xumahay inay reer Somaliland rumaystaan dacaayadaas.” Ayuu yidhi Diblomaasigani.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”