Soomaalidu Ka Daashay :Shimbiro Yahow Heesa:By Axmed Kooj

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Soomaalidu Ka Daashay :Shimbiro Yahow Heesa:By Axmed Kooj

Post by Hiiraan boy »

daymn this good read. i agree with this wadani. he makes sense

Soomaalidu Ka Daashay :Shimbiro Yahow Heesa:By Axmed Kooj
May 25,2007
bygedonet
Soomaalidu ka daashay “shimbiro Yohow Heesa” iyo in waqtiga looga dhumiyo shir ku sheeg guracan oo cida wadaa ku fushato danteeda. Su-aali kama taagna baahida ummada Soomaaliyeed u qabto dib-u heshiisiin dhab ah, iyo inay helaan is aamin iyo kalsooni dhexdoodaa. Balse maahan in wadiiqada loo marayo noqoto in wax loo yeeriyo ama la san-duleeyo ee waa in loo muujiyo cadaalad iyo nidaam suurto galinaya xoriyadooda iyo meeqaamkooda qoomiyadeed.

Shirka baahida loo qabo:Mas-aladu waa mid la xariirta farsamda iyo farsamo yaqaanka, qaabkee iyo cidee. Halkee loo maraa dib-u heshiisiinta? Yaa hagi kara, yaase saldhig u ah oo xalku ku jiraa? Markaan dib u raacno duruustaan ka baranay shirarkii hore , waxaa la gama maarmaan u ah shirkasta oo xalka Soomaalida lagu doonayo inuu yeesho:

-Ujeedooyin cad-cad oo aan lagu koobin “dib-u heshiissin” waa in lagu qeexo waxyaabaha laga heshiinayo iyo heshiis kadib tilaabooyinka ugu horeeya ee la qaadayo ama la iska kaashanayo.
-Hogaan caadil ah oo aan dan gooni ah lahayn ama aan qeyb ka ahayn dhibaatada jita iyo midi soo jirtay ee ummadan.
-Xurmada cida awooda iyo hogaanka u saaxiibkaa ama ay taladu gacantooda ku jirto eel eh: hogaan dhaqan, iyo mid siyaasadeedba.
-Madax-banaani ay u helaan inay ka wada hadlaan wixii kala gaaray iyo inay is tusaan qaabka ay uga wada bixi karaan: inay go-aanka kama danbaystaa yeeshaan wufuudu.

Horey uma dhicin shir-weyne dib-u heshiisiineed oo afartaa rugni kaamilay, waana sababta ugu weyn ee 15 shir kadib wali loogu baahan yahay dib-u heshiisiin. Waxaa muhiim ah in laga weecdo wadiiqadii hore ee holaalka, lana noqdo waaqici oo la helo shir-weyne dib-u heshiisiineed oo u qalma ummada Soomaaliyeed.

Gogosha Cabdulahi Yusuf Iyo Cali Madi:Markaan diirada saarno saanqaadka shirka dib-u heshiisiinta ee DFKG ku hawlan tahay waa mid durbadiiba ka hoos dhacay baahidii jirtay asagoon bilaabana fashilmay. Waxayse is waydiintu tahay sababta ugu weyn ee igu kalifaysa inaan rajo xumadaas ka muujiyo ayadooy jirto inay dad-badani u han weyn yihiin miisaaniyad iyo waqti badanina gali doonaan. Ma jirto mucjiso gooni ah oo ii muqata balse markaad eegto ujeedada shirkan ee aan qeexnayn, hogaanka, wufuuda iyo xoriyda uu lee yahay intaba waxaa soo baxaya su-aalo badan oo jawaab mudan.

Gogoshan uu fidiya Cabdulahi Yusuf uuna daadihinayo Cali Mahdi waxay lamid tahay “Daanyeerkii Bisaduhu cadaalada bideen, markay hilibka isku qabsadeen ee ka wada cunay, ayagiina cayriyay”. Taas waxaan ula jeedaa labada nin waxay kaalintii ugu weynayd ka qaateen bur-burintii dowladii dhexe ee dalka ayagoo madaxnimo doonaya. Xaqiiqo ahaan maahan dadkii dib-u heshiisiin qaban lahaa ee waa kuwii ka qeyb qaadan lahaa, oo cafiska ummada inteeda kale waydiisan lahaa.

Cadaynta ujeedooyinka shirka:Ujeedooyinka shirku maahan kuwo qeexan oo la shaaciyay waxaa uun dusha laga maray inuu yahay shirku mid dib-u heshiisiineed. Beelaha Soomaaliyeed ee dagaaladu horey u dhex mareen badidood waaba heshiiyeen oo ayagaa xaliyay colaadii dhexdooda tiilay. Heshiisyada noocan ee qabiiladu ku heshiiyeen waa kuwo bilowday sanadii 1992kii, waxaana jira kuwo badan oo taabo gal ah in ka badan 14 sano. Sidaa daraadeed waa muhiim in la cadeeyo cida heshiinaysa iyo waxa laga heshiinayo ee gogosha shirku u furmayso.

Wufuuda iyo madaxbanaanida shirka:Yaa maanta xalka Soomaaliya ka qeyb qaadan kara, oo haya hogaanka iyo rabitaanka shacabka? Yaase ka bixin kara waqtigaan adag ee colaada iyo baahida xanbaarsan?. Shacabka Soomaaliyeed ee heer degmo iyo gobol waa ay yaqaanaan cida ayaga xalkoodu ku jiro, waana kuwo ay aad ugu sahlan tahay inay xubno taladaashi ka go-do u dirsadaan shirweynaha dib-u heshiisiinta. Taasina waxay ku suurto gali kartaa in taladooda loo madax baneeyo laguna qadariyo inay ayagu soo dirsadaan wufuudooda.

Ilaa xadi intee dhan buu faro galin ka madax banaanaan karaa shirka Muqdisho?, xili ay ku sugan yihiin 50,000 oo askar Itoobiyaan ah, xili cabashooyinka ka dhankaa DFKG ay aad isu soo tarayaa, xili ay sii badanayaan tacadiyada iyo xadgudubyada ka dhankaa shacab ee ka dhacaya wadanka oo dhan. Miro dhalka shirkan dib-u heshiisiintu wa mid ku xiran xadiga madax banaanidiisa iyo xoriyda wufuudu gaar-siisan tahay. Taasina maahan mid iminka ka muuqata Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Ugu danbayntii, aqoon yahano badan oo arrimaha Soomaaliya ku xeel dheer ayaa isku raacsan inaan xiligaan baahi loo qabin shirweyne dib-u heshiisiineed oo beelaha iyo hogaanka dhaqanka loo qabto. Ayagoo ku doodaya inuusan jirin dagaal qabiil ee khilaafka jiraa tahay dhanka fig-radaha iyo tartan awoodeed. Waxay khubaradaasi ku mudacayaan in loo baahan yahay dib-u heshiisiin siyaasadeed iyo in awood qeybsi dhaba oo dheeli tir leh laga sameeyo Soomaaliya.

Ha socoto “Shimbirayohow Heesa” dani ugu ma jirto ummadan daashay, ee liidata, waxaan filayaa inaan joogno xiligaan dhihi layahn SAAS ARRINTU MAAHAN, LUGOOYO DANBE DOONI MAYNO, lana abaari lahaa xaqiiqada iyo in xal waara loo helo mushkiladan soo jiitan tay ee Soomaaliya haysata. Waana in dadka isku raaskaa ama wada dagaa xalka ka raadiyaan dhexdooda, amniga si wado jir ah u sugaan, dhaqanka kiisa suuban ku dhaqmaan, iskana qabtaan inta marin habaabinaysa iyo waxaan dantooda wadin.

Ahmed Kooj
adangurey@yahoo.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”