Khilaaf Soo Kala Dhexe Galay Cabdi Qeybdiid & Cali Saciid....
Warar laga soo xigtay ilo muhiim ah oo ku dhow Madaxda Maleeshiyaadka Imbagathi ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Gen.Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid Madaxa Maleeshiyaadka Imbagathi iyo Col.Cali-saciid Xasan Wadaad oo u xilsaaran Maleeshiyaadka Ka how gala Gobolka Banaadir, khilaafkaan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo qaabkii shaqada, iyadoo Cabdi-qeydiid uu doonaayo inuu isaga la wareego dhamaan howlgalada iyo amni sugida Gobolka halka Col.Cali-saciid uu ku adkeysanaayo in looga dambeeyo arrimaha amaanka ee Gobolka...
Khilaafkan ayaa wararku sheegayaan inuu gaaray heerkii ugu sareeyay, wuxuuna salka ku hayaa qaabka wada shaqeynta iyo xiriirka, waxaana warar hoose ay sheegayaan in amar diido iyo is hortaag shaqo ay labada dhinac ay isku hayaan, wuxuuna ka dhashay khilaafkaani kadib markii uu dhowaan sii daayay Col.Cali saciid saraakiil dhowaan laga soo qabtay suuqa bakaaraha iyo maxaabiis kale oo degmada Wardhiigley iyaguna laga qabtay, waxaana sii deyntaasi aad uga carooday Gen.Cabdi Qeydiid, oo doonayay in lagala tashado wixii la xiriira arrimaha amaanka, sidoo kale waxaa la sheegaya in Gen.Cabdi Qeydiid uu isku kooban dhamaan howlihii uu Gobolka ka qaban lahaa Col.Cali-saciid, isagoo faray in nawaaxiga madaxtooyada iyo taliska Boliiska uu ku koobay, Gen.Cabdi Qeydiid ayaa haatan waxaa uu xarun ka dhigtay xaruntii CID-da, halka Col.Cali saciid isna uu fariisiin ka sameystay Taliska Boliiska, Khilaafka labada Sarkaal ayaa waxa uu gaaray Madaxda sare-sare ee Kooxda Imbagathi, iyadoona sidoo kale wararaku ay sheegayaan iney soo kala dhex galeen Saraakiisha hogaamisa Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Caasimadda Gen.Gabre Dila iyo Col.Gabre Kidane, kuwaasoo ku guda jira xalinta khilaafka.
Khilaaf Soo Kala Dhexe Galay Cabdi Qeybdiid & Cali Saciid...
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 589 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 744 Views
-
Last post by Madmadoobe
-
- 1 Replies
- 660 Views
-
Last post by Lester_Girl
-
- 0 Replies
- 528 Views
-
Last post by dhuudhuu
-
- 4 Replies
- 14058 Views
-
Last post by Lionheart10
-
- 0 Replies
- 1157 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 61 Replies
- 3863 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 0 Replies
- 532 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 7 Replies
- 1291 Views
-
Last post by Sakhraan
-
- 6 Replies
- 865 Views
-
Last post by xiimaaya