aadan koojaar against Beelaha Sade iyo Kablalax peace talk

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

aadan koojaar against Beelaha Sade iyo Kablalax peace talk

Post by Hiiraan boy »

owlada oo Dhabarka U jeedisay Shirkii Shalay Ka furmay Kismaayo.

News (Radio WidhWidh Muqdisho}27.5-7Masuuliyiinta Dowlada ee ku sugan degaanka Buula guduud ayaa si weyn uga soo horjeestay Kulankii ay shalay ku yeesheen kismaayo Beelaha Sade iyo Kablalax kulankaasi la rabay in lagu soo afmeero khilaafkaadkii ka dhashay dagaaladaii kismaayo ka dhacay 28 April kuwaasi oo geystay Khasaare Naf iyo Maalba leh.

Aadan Cabdi Mataan (Aadan Ogaysiis) o ah Xoghayaha Dowlada Hoose ee Maamulka Kismaayo kana mid ahaa xubnihii Buula guduud ku sugnaa maalmahan dame ayaa ii sheegay mar aan la xiriiray in dagaaladii ka dhacay Kismaayo aysan ahay kuwo dhexmaray laba qabiil balse ay ahaayeen kuwo u dhexeeya laba ciidan oo dowlada kawada tirsanaa waxaana uu tilmaamay in arintan hada larabo in lagu dhameeyo hab qabiil ay haboon tahay in lagu dhameeyo Hab ay Dowladu dhex dhexaadinayso, maadaama buu yiri uu dagaalku dhex maray Ciidamo ka tirsan Dowlada Somaliya iyo kuwo buu yiri diidan Dowlada Somaliya.

sidoo kale adaan ogaysiis waxaa fikir taasi la mid ah la qaba Abaanduulaha Ciidamada ee Qaybta Koowaad Adaan koohaar oo isna saaka hiirtii waabari aan kula xiriiray Khadka taleefanka isaga oo markaasi ku sugnaa meel aan sidaasi uga fogayn deganka Buula guduud ayaa isna sheegay in shirka kismaayo ka socdaa uu yahay mid aan loo baahnayn uusana ka turjumayn dowlada somaliya una cuntameyn, sido kale waxa uu masuuliyiinta dowlada ee ku sugan kismaayo uu aadan koojaar ugu baaqay in ay arinta ay ka daayaan hab qabiil aysana isku daalin laba beelood oo aysan wax colaad ah u dhexeen se loo baahan yahay buu yiri in arinta lagu dhameeyo hab dowladeed.

tan iyo wixii ka dameeyay 23 april waxaa kismaayo banaanka ka joogay masuuliyiinta dowlada ugu sareysay ee ku sugnaa kismaayo ka dib markii uu dagaal ku dhex maray Kismaayo meleeshiyo dowlada ka soo horjeeda iyo ciidamada dowlada somaliya.

waxaana soo baxaya khilaafaad aad u xoogan oo u dhaxeeya masuuliyiinta dowlada kuwooda ku sugan kismaayo iyo saldhiga u yahay buula guduud.

Mahamud Said Salaad News Desk WidhWidh Onlien
S-D-M
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5774
Joined: Tue Dec 20, 2005 6:03 pm
Location: Never take life seriously. Nobody gets out alive anyway.

Re: aadan koojaar against Beelaha Sade iyo Kablalax peace talk

Post by S-D-M »

War dad sheeg baa luguyiri ee doqon sheeg laguma oran......
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”