Wadahadaladii Beelaha Sade Iyo Kablalax Oo Fashilmay
Posted: Mon May 28, 2007 2:37 am
Odayaasha Beelaha Sade ee Kismaayo ayaa maanta ku yeeshay Hoteelka Maridian international kullan ay kaga hadlayeen go,aan ay beesha Kablalax ku diiday wadahadalo lagu balansanaa maanta in ay dhacaan.
Kullanka oo loo diiday saxaafada ayaa waxaa saxaafada uga waramay afhayeenka beesha Sade Xasan Maxamed Cali oo sheegay in kullankaas ay ka soo saareen go,aano ay ku sii wadayaan dadaalada ay ku baadi goobayaan xalka kismaayo ayna ka xun yihiin diidmada beesha kablalax oo u sheegtay guddiga dhexdhexaadinta ee ka socda dawlada federaalka ku meel gaarka ah in aysan ka qaybgalin shirarkaasi oo ay sheegeen in ay wadahadlaan ciidamada dawlada ee buulagaduud jooga iyo Koox mucaarad ah oo beesha Sade ka tirsan.
Afhayeenka Beesha Sade waxaa uu ugu baaqay Beesha kablalax in ay raali galin ka bixiso warkaas ayna cadahay cidii dirirtay loona baahan yahay in ay waxgaradka labada beelood ay si toos ah u abaaraan mushkilada kismaayo. Maanta waxaa uu lagu waday in la sii ambaqaado ajandayaasha kullan ay waxgarad ka soo jeeda labada beelood ay jimcihii ku yeesheen Hoteelka kismaayo oo laga soo saaray qodobo ay ka mid ahaayeen Xabad joojin iyo inla joojiyo isu col uruursiga.
Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig iyo Xasan Cumar oo ah wasiir ku xigeenka Hawlaha guud oo wadahadaladasa qaban qaabiyay ayaa rajo ka muujiyay in natiijooyin ay soo baxaan hase ahaatee warka ka soo yeeray mid ka mid ah labada beelood ayaa is hortaagi kara wadaxaajoodyada oo sii socda.
GEDO-NN-Kismaayo News Desk