Page 1 of 1

Socdaaka nabadda oo gaaray deegaanka Jalalaqsi, ee gobolka H

Posted: Mon May 28, 2007 2:41 am
by Hiiraan boy
Socdaaka nabadda oo gaaray deegaanka Jalalaqsi, ee gobolka Hiiraan



Somaliweyn Media Center (SMC) 27/05/07

Kulankii Socdaal nabadeedka, oo ay soo qabanqaabisaya Xarunat Cilmi Baarista iyo Wadatshiga Somaaliyeed ee (CRD), ayaa maanta gaaray deegaanka Jalalaqsi, Socdaalka oo hay hogaaminayaa Duubabka reer Hiiraan kuwaasoo ka koobnaa 6 Duub Dhaqameedyo oo u ah duubab Beelaha wada dega gobolka Hiiraan , kuwaasoo kala ah:

Wabar Axmed Wabar Cabdi Wabar Maxamed (Baadicade).
Ugaas Abdirahman Ugaas Khaliif Ugaas Rooble (Xawaadle).
Macalim Muxumed Cumar Ugaas Bahal (Wakiilka Ugaaska Gaaljecel).
Ugaas Abdihakin Ugaas Maxaad Ugaas Sadiiq (Baajamaal (Dir)).
Ugaas Cali Ugaas Xasan (Makane).
Cabdi Wabar Xasan Wabar Kutubow (Wakiilka Wabarka Jajeele).

Ayaa waxaa uu ka bilowday 26, May 2007 Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, Kulankaas waxaa ka soo qaybgalay dad ku dhow 1000 Qofood oo isugu jira odayaasha dhaqanka, Maamulka degmada, Culuma'udiin, Dhalinyaro, Haween, Abwaano iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Degta Jalalaqsi.

Waxaa dadka lagala hadlayay arimaha ku aadan Nabadgelyada iyo iswalaalaysiga Beelaha deriska ah waxaa kale oo ay duubabku sheegeen in aynan wadan hub iyo ciidan balse ay wadaan Duco iyo habaar taasoo dadweynihii reer Jalalaqsi ay ducadii qaateen, waxa ayna aheyd markii ugu horeysay taariikhda inta la xuso oo ay hogaamiye dhaqameedyada reer Hiiraan, oo wada jira ay socdaal noocaan oo kale ku tagaan degmada Jalalaqsi, waxa kaloo ka hadlay shirkaas oo arimo ku aadan nabadda iyo iswalaalaysiga culuma'udiin iyo Abwaano ay ka mid ahaayeen Sh. C/llahi Yuusuf Nuur, Abwaan Cabdidhuux Yuusuf Guure iyo Abwaan Xuseen C/kariin, waxaa arintaas ka mahadceliyey odayasha iyo waxgaradka degmada Jalalaqsi, waxayna ka codsadeen duubaabka in sanadkiiba mar ay socdaal noocaan oo kale ah ku kala bixiyaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka gaar ahaan degmada Jalalaqsi.



Ugu dambeyn waxaa ay duubabka ka codsadeen waxgaradka reer Jalalaqsi in ay soo dhisaan gudi dhaqan oo ay kala xiriiraan wax alle iyo wixii shaqaaqo keeni kara sida kan ka dhisan Degmada B/weyne. Socdaalka waxaa uu maanta u sii gudbi doonaa Magaalda Buulaburde iyo degaanka Buqda.

Somaliweyn Media Center (SMC)