Olole Balaadhan Oo Lagu Diidan Yahay Shirka Dib U Heshsiinta Ee Bisha June Bartamaheeda Lagu Wado In
Warkii 28-May-2007 iyo Qormadii: faytin yare
warar lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya inay jiraan kacdoono lagaga hor tegeyo qabsoomida shirka dib u heshiisiineed ee lagu wado inuu muqdisho ka dhaco bartamaha bisha june ee nagu soo fool leh.
xiisadan oo ka dhalatay xarig jiidadka siyaaadeed ee u dhexeeya xoogaga isku haya arimaha soomaaliya oo ay ugu horeeyaan dowlada KMG ah , golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed iyo weliba xubnaha baarlamaanka soomaaliyeed ee kasoo horjeeda dowlada KMG ah oo fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee wadankaasi Ereteriya.
sidoo kale iyadoo ay dowlada KMG ahi ay ku adkaysanayso inuu shirku u dhaco qaab beeleed islamrkaana ay wada heshiiyaan qabaa,ilada soomaaliyeed ee lagu tilmaamao 4.5 ,halka qaybaha kalena ay siweyn uga soo horjeedaan arintaas islamrkaana ay qabaan fekerkaas mid ka duwan oo ah inaysan jirin beelo soomaaliyeed oo dagaalsan balse uu jiro khilaaf siyaasadeed .
Taasina ay umuuqato mid sii xoojinaysa khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey dhinacyada isku haya arimaha soomaaliya ,islamarkaana ay jiraan warar laga helayo dad xog-ogaal ah oo diiday inay magac yadooda shaaciyaan oo sheegay inay ka jiraan caasimada kacdoono ka dhan shirkaasi .
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay baarlamaanka dowlada KMG ahina uu ansixiyey gudiga shirka maamulaya ee gudoomiyaha ka yahay mud,cali mahdi maxamed ,islamarkaana ay ku tilmaameen qaybaha kasoo horjeeda iclaaminta shirkan inaysan gudiga shirka dib u heshiisiinta ee uu hurmoodka ka yahay mud,cali mahdi aysan u dhex-dhexaad ka ahayn qaybaha siyaasada soomaaliya isku haya .
Si kastaba ha ahaatee dhowaan ayay ahayd markii sheikh shariif sh,axmed oo ah gudoomiyaha golaha fulinta ee maxaakiimta islaamka soomaaliyeed uu ku tilmaamay shirkaasi mid lagu maja xaabinayo masiirka umada soomaaliyeed islamrkaana uu yahay shir ay soo abaabuleen cadowga umada soomaaliyeed iyo daba dhilifka u shaqeeya ,isagoo u warmayey BBC-da laanteeda afka soomaaliga .
Iskusoo wada duuboo arintan ku aadan shirka dib u heshiisiinta ee fooda inagu soo haya ayaa waxaa kasoo baxaya warar laysla dhex marayo oo sheegaya inaysan waxba ka soobixi karin halka warar kalena sheegayaan in lagu najaxo,waloow aan la ogayn xaalada amaan ee shirkan cida dusha u ridan doonta iyadoo ay magaalada caasimada ah ee muqdisho ay ku sugan yihiin cutubyo ciidanka Ethiopia oo ay weheliyaan ciidamada ugaandha ..
yaasiin maxamed cali (faytin)
info@afnugaal.com
yaasiinfaytin@hotmail.com
large campaign going on against shirweyne june
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: large campaign going on against shirweyne june
whats this holl dibo heshin about man there is no point dhulkeysii intii badna wey xukumaan maxa la isla weererynaya
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 92 Replies
- 48403 Views
-
Last post by HalfBked
-
- 49 Replies
- 5591 Views
-
Last post by FAH1223
-
- 74 Replies
- 3512 Views
-
Last post by biko
-
- 2 Replies
- 480 Views
-
Last post by galia
-
- 0 Replies
- 523 Views
-
Last post by Kramer
-
- 0 Replies
- 629 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 3 Replies
- 1301 Views
-
Last post by FarIyoAlif
-
- 13 Replies
- 1214 Views
-
Last post by Adali