Taariikhdu dadkay bartaa dunidda waayaheeddee By, Ahmed Mireh
Wax badan ayaan ka durkay siyaasada Soomaliland ee weli bogga kowaad ku noqnoqonaysa hase ahaatee markaan eegay arrimaha ka taagan dalka gudihiisa, dibadiisa iyo waayaha ingu gadaaman heer goboleed iyo heer aduunweyaba waxaan goostay inaan si kooban tussaallo uga bixiyo taariikh illaashiga, istixgelinta iyo midnimada oo ay iigu muuqato in dareenlaan la sii luminayo.
S/Land marka ay tahay ictiraaf doon, marka hore iyadu ha aqoonsato oo ha tixgeliso taariikhdeeda. Aniga oo tabanayey qaabka loo xusay malinta la soo noqoshada gobanimada ayaan manta maqaallo fara ku tiris ah waxaan ku arkay “27 may in Burco si weyn looga xusay” haddaba waxa is weydiin leh ma maalintii ugu horeysaybaa ee ciidamada SNM laxaad ku soo galaan dalka magaallooyinkiisa waaweyn ayay ahayd mase waa maalin Burco oo keliye leedahay. Ma la illaabay inay ahayd geerri ioy guul oo dalkii fadhiisinka inoo ahaa la inoo weydaartay oo heshiis dhexmaray dawladii Soomaaliyeed iyo taliskii mingiste ee itoobiya. Waxay mudnayd inay noqoto maalintii dib ula soo noqoshada gobanimada ee waa nasiib darro in Burco lagu riixo oo weliba aan mudnaanteeda la marin. Xaashee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe.
Miyaanay u dhigmin 26kii June ee calankii ugu horeeyey oo xor ah laga taagay carriga soomaaliyeed oo halkii ummadu ay ka xusi lahayd la yidhi waa maalintii goboladda waqooyi. Taariikh duudsigu ma ku dayashaa goormaa curadku garudambays noqday. Ma tii aynu ka cabanaynaaynu hegsanayay mase waa laga barayba laga baddi. Waxaan leeyahay S/Land waxa dhashsy SNM haddii hooyadu dhimatana ubadkuna dhimay amma darxumo ku noolaa. Waxa lagu waraabiyey dhiig, waxa u lee’day geesiyaal , waxa u agoomoobay ubad. Haddii taariikhda muhiimka ah iyo halyeyada ummada la daaho oo la qariyo waxba kuma ah in tan Somaalilandna la duudsiyo. Haddii lagu sheego waa la is shareeraa haddii lagu shareerana waa la is sheeggaa. Markaa waxaan ku boorinayaa dhammaan waxgaradka ummada iyo hawl wadeenadaba in la isu xil saro taariikh ururinta, ku faanka iyo kor u qaadideedaba waayo waa guul u soo hoyatay qaranka ee qof ma leh in gaarina ma leh. Ma haboona in sahalan lagu illobo.
Dadka kale qofkoodii waxtara waa tixgeliyaane,
idinkuna caqliga taamudka ah waa ku tumataane
tartar baadka dhaaftaan qofkii toos idiin wad’e
Tan manta taagan waxa aan leeyahay Dawladda, golayaasha iyo xisbiyadaba ha laga jeesto is tixraaca isu baanka iyo is eedayna aan salka lahayn. Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara’e. Siyaasadu eedayn ma aha, tayda ii goyna ma aha, ku jiqsiina ma aha ee waa tartan lagu tartamayo wax qabad oo aad tilmaamaysid inaad adigu kaga haboontahay hoggaaminta qaranka qofka kale. Markaa samahaa lagu tartammaa ee xumaha laguma tartamo. Laba iyagu is haystaa col iskama dhiciyaan. Ugu horayn shakhsi weerarka, awood sheegashada, iyo ku xumaynta lagu shaacinayo webabka, iyo jaraaidka ha la joojiyo. Ha lgu bedelo in si miisaan leh oo garasho ku dheehantahay oo caqli celin ah wax la isugu sheego oola is garwaaqsado. Haddii aan la kala roonaan roob ma dai’o. Marka aad dibadaha u soo baxdaana heerka aad matishaan ku egaada oo haddii aad heer qaran tahay heer qolo ha u degina oo bulshada aad u timaadaan dib ha u celinina.
Ugu dambayn maanta waxaynu maraynaa marxalad aad u adag marka aynu eegno hareeraheena waxa ka socda iyo aduunwynahaba. Markaa waxa la inooga baahanyahay inaynu baraarugno oo sii diblomaasiya oo siyaasi ah u fikirno inaga oo ka talinayna aayaha ubadkeena. Ugu horayn waa inaynu damaca shakhsiga ah ka hor marino ka qaran, tan labaad fallaadhi gilgilash kaagama goa’do markaa waa in tashi badan la sameeyo oo la odoroso dhammaan waxa inaga hor iman kara. Maanta geesinimo, wada tashi iyo midnimo ayaa lagaga gudbi karaa kaalinta adag.
Seben tagay mid weli soo socdiyo saaka waxa jooga
Sadexdaa waqtaa xal adduun lagu sifeeyaaye
Soo-noqodna maleh wixii saadufee tageye
Berri iyo saa-danbena waa sed kaa maqane
Waxay taldu kuu suuban tahay subaxaad joogtaaye
By, Ahmed Mireh Mohamed
Taarikhdu dadkay bartaa dunidda waayaheede BY, Axmed Mirre
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- XidigtaJSL
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2428
- Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
- Location: Erigavo, Sanaag
Re: Taarikhdu dadkay bartaa dunidda waayaheede BY, Axmed Mirre
Ina Mire, Ina Maygag, Haybe Laanbad, Ibrahim Dhegoweine waa SNMtii halganku daacadda ka ahaa, dagaaladii sokeeye aan ka qayb galin magac iyo sumcad wanaagsan wali leh. I think they should make a comeback and lead the nation.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 300 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 35 Replies
- 341 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 21 Replies
- 2036 Views
-
Last post by damu
-
- 5 Replies
- 2295 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 51 Replies
- 9459 Views
-
Last post by MidriGeez
-
- 20 Replies
- 4710 Views
-
Last post by Faranacab