Weerar bom oo xalay lagu qaaday Ciidamo ku sugnaa degmada Sh
Posted: Thu May 31, 2007 6:10 am
Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda FS ee Muqdisho,iyadoo weerarkaasi ilaa iminka aan la ogeen khasaarihii uu geystay.
Warar aanu ka helnay deegaankaasi ayaa xaqiijinaya in mid kamid ah Ciidamada booliska uu halkaasi ku dhaawacmay halka guri halkaasi ku yaallana uu ku bur buray bomka lagu tuuray.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda FS ayaa durbadiiba soo gaaray goobtaasi iyagoona baadigoob u galay kooxihii masuulka ka ahaa falkaasi walow aysan qofna soo xirin.
Weerarkaasi bom ayaa ah kii ugu horeeyay ee ka dhaca degmada Shibis iyadoo maalmihii lasoo dhaafay weerarada intooda badan ay ka dhacayeen dhinaca kale ee Koofurta Muqdisho.
Masuuliyiinta deegaankasi ayaa ku waramay in amaanka deegaankaasi ay adkeyn doonaan si looga fursado weerar kaasi lamid ah oo mar kale ka dhaca deegaankaasi.
Degmada Shibis ayaa kamid ah goobaha inta badan masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ay xarumaha ka dhigteen isla markaana ay degan yihiin,waxaana ku yaalla dhismooyin badan oo dowladii hore ay laheyd.